Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Sidee Madaxweyne Deni loogu soo dhaweeyay Boosaaso ? (Daawo)
    Puntland

    Sidee Madaxweyne Deni loogu soo dhaweeyay Boosaaso ? (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 30, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray wejiga koowaad ee caratuurka wadada Ceeldaahir- Ceerigaabo, isla markaana dhagax dhigay wejiga labaad ee laami saaridda wadada.

    Dhagax Dhigga wejiga labaad ee wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey guddiga dhismaha wadada, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, shacab ka magaalada Ceeldaahir oo goobjoog ahaa, siyaasiyiin, odaydhaqameedyo iyo masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada dowladda Puntland.

    Madaxweynaha Puntland oo kormeeray wershedda samaynaysa daamurka, iyo jayga iyo qalabka dhismaha lagu dhisayo wadada ayaa xarigga ka jaray wejiga koowaada ee caratuurka wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, waxaana uu Madaxweynuhu faahfaahin ka bixiyey muhiimadda uu leeyahay mashruucani.

    “Waxaa sharafa weyn ii ah maanta inaan halkan ku xarigjarno wejigii koowaad ee wadada Ceeldaahir- Ceerigaabo qaybtii koowaad ee Caratuurka ahayd ee hadda Guddigu warbixinteeda nasiiyey , Waxaan ku faraxsanahay sida wanaagsan ee habsamidaleh, ee isxilqaan kaleh ee guddigu hawshaas u qabteen, waxaan uga mahadcelinaynaa dedaalkaas, waxaan Alle uga rajaynaynaa inuu ajar iyo xasanaad kasiiyo,
    shacabkooduna waa u ogyihiin tariikhdana waa u gelidoontaa, waana arrin lagu farxo oo runtii isku-tashi ah”

    “Sidoo kale waan ku amaanaynaa xukuumaddii hore dedaalka badan ay gelisay ee sida wanaagsan ee dhow uga shaqaysay, waxaan balan qaadaynaa inaan si hagar la’aan ah ula shaqayno Alle idinkiis, waddo laami ah oo Ceerigaabo gashana dhowaan la arkidoono Insha Alla, waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay shaqada socota waanna la shaqayn-doonaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Madaxweynaha Puntland oo fariin u diray maamulka Hargaysa ayaa uga digay inay hor istaagaan horumarka ka socda gobolka Sanaag, waxaa uu u sheegay in horurka ka socda gobolkaasi yahay mid aanay Dowladda Puntland cidnaba ka ogolaanayn hor istaagiisa, jawaab deg deg ahna ka bixinayso.

    “Waxaan fariin u diraynaa maamulka Hargaysa inuu horumarka ka socda gobolka Sanaag Carqaladda ka daayo oo ka waantoobo hor istaaga horumarka, waxaan rajaynaynaa in horumarkaasi uu noqdo horumar balaadhan oo dhammaan geyigu ka faa’iidaysto , waa horumar Soomaali oo dhan wada-yeelanayso, wadadu waa waddo Soomaaliyeed, degaanku waa deegaan Soomaaliyeed, waxaan rajaynaynaa in arrintaasi ka qayb qaadato koboca dhaqalaha, horumarka bulshada iyo isu soo dhowaanshaha bulshada,”

    “Waxaa naga-go’an mashruucaas sidii loo asteeyey inuu u fulo oo Ceerigaabo tago, waxaana ka digaynaa cid kasta oo carqalad kunoqota inaan Insha Alla ka hortegidoono, anaga iyo shacabka oo wada jirna aan qayb ka qaadan-doono caqabaddaas sidii looga gudbilahaa, meel horumar ka socdo dagaal anagu ku baaqimayno, mana-rabno in carqalladdaasi dhacdo, waxaanse u sheegaynaa in mashruucan maaliyadda badan ku baxday, qalabka badan ku baxay cid kasta oo damacda inay waxyeelayso dowladda Puntland diyaar bay u tahay inay difaacdo” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/309178309757077/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.