Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Sidee Madaxweyne Deni loogu soo dhaweeyay Qardho ?+VIDEO
    Puntland

    Sidee Madaxweyne Deni loogu soo dhaweeyay Qardho ?+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 29, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

    Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan deqmada Qardho iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka ayaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa kusoo dhoweeyay banaanka hore ee magaaladda, halkaasi oo ay isugu tageen boqolaal dadweyne ah oo Madaxweynaha soo dhoweeyay.

    Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Hogaanka Dhaqanka , Culimada, Aqoonyahanada, Haweenka, Ardeyda iyo Guud ahaan Barbaarta Gobolka Karkaar oo siweyn uga dhexmuuqday soo dhoweynta iyagoo ku dhawaaqayey Ereyo soo dhoweyn ah.

    https://www.facebook.com/mustafjamaal/videos/2576438112416547/

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii uu magaaladda soo galay wuxuu la hadlay boqolaal dadweyne ah oo soo dhoweeyay, Wuxuu Madaxweyne Deni uga mahadceliyey Dadweynaha Qardho sida ay usoo dhoweeyeen, Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu ku baraarujiyey dadka ka shaqeynta qorsheyaasha dhinaca horumarinta ee socda.

    Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka kooban Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, la taliyeyaal uu ka midyahay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, Taliyeyaal Ciidan oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Saraakiil Madaxtooyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.