Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sirdoonka Puntland: Ma baadi-goobno cid soo gelisteeda Degaanka iyo bixisteedaba aan ognahay
    Somalia

    Sirdoonka Puntland: Ma baadi-goobno cid soo gelisteeda Degaanka iyo bixisteedaba aan ognahay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 7, 2019Updated:October 7, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warar lagu baahiyay saacadihii lasoo dhaafay Baraha Bulshada, ayaa lagu sheegay in Ciidanka amniga Dowladda Puntland ay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ka baadi-goobayaan Nin lagu magacaabo C/risaaq Terra oo ah Wariye madax banaan, kaas oo Boosaaso u tagay inuu ka diyaariyo Barnaamij ka dhan ah Shirkadaha Imaaraadka ee balaarinaya Dekedda iyo Garoonka Boosaaso.

    Shabakadda Idil News, oo xiriiro la sameysay Saraakiil katirsan Hay’adaha ammaanka, gaar ahaan Sirdoonka, ayaa ogaatay in aysan jirin Ciidan katirsan kuwa Sirdoonka iyo Hay’adaha ammaanka Puntland oo baadi-goobaya Wariyahan.

    C/risaaq Terra oo ah Wariye kasoo jeeda Degaanada Somaliland, ahna Calooshiis u shaqeyste ka Mushaar qaata Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maalmo kahor soo gaaray Magaalada Boosaaso, isagoona ka yimid Dalka Turkiga, soona maray Muqdisho.

    Mr. Terra oo ay la shaqeynayeen xubno ka Mashaariic qaata DFS, si u dhibaateeyaan amniga iyo Xasiloonida Puntland ayaa qorshihiisu ahaa inuu duubo Odayaal kasoo hor-jeeda Heshiisyada balaarinta Dekedda iyo Garoonka Boosaaso, Muuqaalada Labadaas xarumood, waxaana uu la kulmay wax ka bedelan wixii uu kusoo tala-galay, sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo-wareedyo.

    “Waan arkay qoraalada Baraha Bulshada lagu qorayo ee ah in Ciidanka amniga Puntland ay baadi-goobayaan wiil yar, balse waxaan u sheegin Dadka waxaas qoraya in Dowladda Puntland ay ka gun-weyn tahay inay Baadi-goobto cid soo gelisteeda Degaanka, danaha ay lee yihiin iyo bixistoodaba ay og-yihiin” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiisha amniga ee Gobalka Bari.

    Sarkaalkan ayaa intaas ku daray “Waxaa jira dad shaki uga jiro maqaamka Puntland iyo kuwo kale oo gacmaha isku soo qabsaday dhibaateynta Hanaanka Dowladnimo ee Puntland oo ku dhisan Nabad iyo Midnimo, waxaanse xasuusin cida hada ku mashquulsan arintaas iyo kuwa damacu uga jiro in Puntland ay tahay Goobta lagu fashiliyo kuwa aan Dan Guud iyo Dan Islaam midna aan u adeegayn”.

    Sidoo kale, Mid kamid ah Golaha Xukuumadda Puntland ayaa sheegay in ay la socdaan qorshe kasta oo ka dhan ah Nabadda iyo Hormarka Puntland ee laga abaabulayo Degaanada kale ee Soomaalida iyo Caalamka, iskaba daa inay ogaan waayaan Cida soo galaysa Puntland iyo waxa ay dooneyso, waxaana uu xusay in arrimaha Daba-galka Dadka Dibin-daabyada Puntland ka shaqeeya ay ugu xil-saaran yihiin Laamo si sare u feejigan.

    Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay inay ku mashquulsan tahay sidii la isaga hor-keeni lahaa Dadka Puntland iyo Xukuumadooda, balse taas ay tahay riyo aan marna u rumoobi doonin, ayna Puntland ka socotay in Dad iyo Dowlad la isku dhufto.

    Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa dhowaan sheegay in sare loo qaaday Hanaanka amni ee Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso, waxaana ay tani u muuqata in Puntland ay si dhow ula socoto Dad yimaada Puntland, iyo kuwa ka baxaya, taas oo muujinaysa in Sirdoonka Puntland uu la socdo dhaq-dhaqaaqyada Dadka shaqooyinka u yimaada Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.