Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sirdoonka Puntland: Ma baadi-goobno cid soo gelisteeda Degaanka iyo bixisteedaba aan ognahay
    Somalia

    Sirdoonka Puntland: Ma baadi-goobno cid soo gelisteeda Degaanka iyo bixisteedaba aan ognahay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 7, 2019Updated:October 7, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warar lagu baahiyay saacadihii lasoo dhaafay Baraha Bulshada, ayaa lagu sheegay in Ciidanka amniga Dowladda Puntland ay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ka baadi-goobayaan Nin lagu magacaabo C/risaaq Terra oo ah Wariye madax banaan, kaas oo Boosaaso u tagay inuu ka diyaariyo Barnaamij ka dhan ah Shirkadaha Imaaraadka ee balaarinaya Dekedda iyo Garoonka Boosaaso.

    Shabakadda Idil News, oo xiriiro la sameysay Saraakiil katirsan Hay’adaha ammaanka, gaar ahaan Sirdoonka, ayaa ogaatay in aysan jirin Ciidan katirsan kuwa Sirdoonka iyo Hay’adaha ammaanka Puntland oo baadi-goobaya Wariyahan.

    C/risaaq Terra oo ah Wariye kasoo jeeda Degaanada Somaliland, ahna Calooshiis u shaqeyste ka Mushaar qaata Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maalmo kahor soo gaaray Magaalada Boosaaso, isagoona ka yimid Dalka Turkiga, soona maray Muqdisho.

    Mr. Terra oo ay la shaqeynayeen xubno ka Mashaariic qaata DFS, si u dhibaateeyaan amniga iyo Xasiloonida Puntland ayaa qorshihiisu ahaa inuu duubo Odayaal kasoo hor-jeeda Heshiisyada balaarinta Dekedda iyo Garoonka Boosaaso, Muuqaalada Labadaas xarumood, waxaana uu la kulmay wax ka bedelan wixii uu kusoo tala-galay, sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo-wareedyo.

    “Waan arkay qoraalada Baraha Bulshada lagu qorayo ee ah in Ciidanka amniga Puntland ay baadi-goobayaan wiil yar, balse waxaan u sheegin Dadka waxaas qoraya in Dowladda Puntland ay ka gun-weyn tahay inay Baadi-goobto cid soo gelisteeda Degaanka, danaha ay lee yihiin iyo bixistoodaba ay og-yihiin” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiisha amniga ee Gobalka Bari.

    Sarkaalkan ayaa intaas ku daray “Waxaa jira dad shaki uga jiro maqaamka Puntland iyo kuwo kale oo gacmaha isku soo qabsaday dhibaateynta Hanaanka Dowladnimo ee Puntland oo ku dhisan Nabad iyo Midnimo, waxaanse xasuusin cida hada ku mashquulsan arintaas iyo kuwa damacu uga jiro in Puntland ay tahay Goobta lagu fashiliyo kuwa aan Dan Guud iyo Dan Islaam midna aan u adeegayn”.

    Sidoo kale, Mid kamid ah Golaha Xukuumadda Puntland ayaa sheegay in ay la socdaan qorshe kasta oo ka dhan ah Nabadda iyo Hormarka Puntland ee laga abaabulayo Degaanada kale ee Soomaalida iyo Caalamka, iskaba daa inay ogaan waayaan Cida soo galaysa Puntland iyo waxa ay dooneyso, waxaana uu xusay in arrimaha Daba-galka Dadka Dibin-daabyada Puntland ka shaqeeya ay ugu xil-saaran yihiin Laamo si sare u feejigan.

    Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay inay ku mashquulsan tahay sidii la isaga hor-keeni lahaa Dadka Puntland iyo Xukuumadooda, balse taas ay tahay riyo aan marna u rumoobi doonin, ayna Puntland ka socotay in Dad iyo Dowlad la isku dhufto.

    Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa dhowaan sheegay in sare loo qaaday Hanaanka amni ee Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso, waxaana ay tani u muuqata in Puntland ay si dhow ula socoto Dad yimaada Puntland, iyo kuwa ka baxaya, taas oo muujinaysa in Sirdoonka Puntland uu la socdo dhaq-dhaqaaqyada Dadka shaqooyinka u yimaada Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.