Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somali Maraykan Booliska Minneapolis ka tirsan oo dilay Haweeney Australia u dhalatay
    Somalia

    Somali Maraykan Booliska Minneapolis ka tirsan oo dilay Haweeney Australia u dhalatay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 17, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Askarigan oo lagu magacaabay Maxamed Nuur sida aan ka soo xiganay jaraa’idka Startribune ayaa ka mid kamid ah wiilasha Soomaalida ah ee iyagu ku jira ciidanka Booliiska magaalada Minneapolis.
     
    Askarigan ayaa shaqadii laga fariisiyay waxaana la sheegay in saraakiisha dambi baarista ay baarayaan sida uu u dhacay falkan. Maxamed Nuur ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska magaalada Minneapolis tan iyo sanadkii 2015kii,waxana uu haystaa shahaadooyinka dhinaca maamulka ganacsiga iyo dhaqaalaha isagoo ka qalin jebiyay Augsburg College.
     
    Maxamed Nuur ayaa ah sarkaalkii ugu horeeyay oo Somali-Maraykan ah oo ka mid noqdo ciidamada Booliska Minnieapolis.Waxana la sheegay in xilligii uu ku soo biirayay ciidamada Booliska guddoomiyaha magaalada Minneapolis uu aad u amaanay kamid noqoshadiisa ciidamada Booliska Maraykanka.
     
    Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Maxamed Nuur iyo askari kale oo la socday ay u soo gurmadeen haweeneydan u dhalatay dalka Australia balse haatan qorsheyneysay in ay ku noolaato dalka Maraykanka iyadoo xiriir uu ka dhexeeyay muwaadin Maraykan ah kadib markii ay u yeeratay booliska maadaama ay cabsi dareentay.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.