Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somalida Itoobiya Oo aan weli fahmin burhaanteeda!!
    Somalia

    Somalida Itoobiya Oo aan weli fahmin burhaanteeda!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 30, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Maaliyada Dowlada Fadaraalka Itooobiya,ayaa soo gaaray Jigjiga si loo dhamaystiro isku biirista Xisbiga Somalida Itoobiya ee talada Deegaanka haya iyo Xisbiga cusub ee RW Abiye abaabulay xiligan ee PP.

    Madaxweyne Mustafe oo si weyn ugu faraxsan qorshaha socda,ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Wasiir Shide.

    Mustafe Cagjar,ayaa ka dhex arka Xisbiga Abiye hankiisa gaar ahaaneed ee siyaasada.

    Halka Shide uu noqday siyaasi Oromaysan oo isku arka Somalinimadiisa in ay ka xoog badan tahay Oromonimadiisa.

    Shalay ayay ahayd markii Wasiirka difaaca Itoobiya Lama oo ah Siyaasi miisaan ku leh Qowmiyada Oromada iyo tan Fadaraaliga ahba uu ka hor yimid qorshaha iyo Xisbiga PP ee Abiy.

    Sidoo kale waxuu la kulmayaa Xisbigs Abiye diidmo xoog badan oo ka imaanaysa Qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya,gaar ahaan kuwa saamaynta leh.

    Somalida Itoobiya,ayaa lagu yaqaan in ay markaas usacab tumaan hogaanka talada haya oo aysan yeelan aragti ka madax baxnaan oo ka turjumaysa danahooda ugaarka ah.

    Weli Somalidu ma aragto burhaanta ay ku leedahay siyaasada iyo dhaqaalaha,xataa hadii Deegaankeeda laga helay Shidaal fara badan oo ay noqotay kaydka kaliya ee ay xiligan ku xisaabtamayso Itoobiya.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.