Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somaliland iyo Taiwan oo heshiis kala saxiixday
    Somalia

    Somaliland iyo Taiwan oo heshiis kala saxiixday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 17, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay u soo dirayso hawlwadeeno caafimaad Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland.

    Qorshahan ayaa qayb ka ah heshiiska iskaashiga caafimaadka ee Taiwan iyo Somaliland qalinka ku duugay Arbacadii, sida lagu sheegay bayaanka, oo la soo saaray xafladda saxiixa ka dib.

    Howlwadeenada ayaa la geyn doonaa Isbitaal ku yaal caasimadda Somaliland ee Hargeysa si loo siiyo tababaro shaqaalaha caafimaadka ee maxalliga ah isla markaana gacan looga geysto kor u qaadista awoodda daryeelka caafimaad ee dhulkaas, ayaa lagu yiri qoraalka

    Heshiiska “wuxuu awood u siinayaa saaxiibkeenna iyo bahwadaageenna inay kor u qaadaan awoodda adeegyada daryeelka caafimaadka ee ay ka faa’iideysanayaan dadka,” ayay Wasaaradda Arrimaha dibadda Taiwan ku sheegtay barta Twitter-ka isla maalintaas.

    Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan Joseph  ayaa sheegay in Iskaashiga caafimaadka uu muhiimka u yahay labada dhinac, xilli uu ka hadlayay munaasabadda saxiixa heshiiska.

    Waxa uu xusay in Taiwan ay bilowday barnaamij wax looga qabanayo heerka sare ee dhimashada haweenka uurka leh iyo dhallaanka ku dhashay Somaliland ka dib markii ay labadoodu saxiixeen heshiis sanadkii tegay ee 2020 ah, kaas  oo lagu horumarinayo xiriirka labada dhinac.

    Soomaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaliya inteeda kale ayaan weli helin aqoonsi, waxaana heshiisyo dhowr ah ay la saxiixatay Taiwan oo dhankeeda aaminsa inay ka go’day Shiinaha

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.