Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya caawimaad u balanqaaday Dowladda Suudaan (VIDEO)
    Somalia

    Soomaaliya caawimaad u balanqaaday Dowladda Suudaan (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 25, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa kulan dhanka Online-ka ah la qaatay madaxda maaliyadda dowladda Sudan, si dalkeenna uu uga faa’iideeyo Suudaan khibrada deyn cafinta, maadaama dalkaasi hadda uu dib u bilaalabayo sharuudaha IMF ee Soomaaliya ay ka gudubtay.

    Wasiir Beyle ayaa sheegay in dawadda Soomaaaliya ay sharaf u tahay in wadanka aan walaalaha nahay ee Suudaan ay ka caawiyaan sharuudaha loo maro nidaamka deyn cafinta, Sida ku cad Qoraalkii IMF ee ahaa in Soomaaliya ay uga warbixiso Suudaan aqoonteeda ku aadan waddooyinkii Deyn Cafinta ee shuruudaha IMF iyo hanaanka SMP.

    https://www.facebook.com/sntvnews/videos/1500949903628270

    “Sharaf ayey inoo tahay in aan uga faa’ideyno khibradeena Deyn_Cafinta Dowladda Suudaan oo hada dib u bilaabaysa shuruudihii IMF ee Soomaaliya ay ka soo gudubtay, Sida ku cad Qoraalkii IMF ee ahaa in Soomaaliya ay uga warbixiso Suudaan aqoonteeda ku aadan waddooyinkii Deyn_Cafinta ee shuruudaha IMF iyo hanaanka SMP, ayaa galabta waxaa inoo suuro galay in aan Online kula shirno madaxda Maaliyadda Suudaan” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

    Ugu dambeyn Wasiir Beyle ayaa sheegay in dib u habeynta maaliyadda dalka ay aheyd safar adag oo lasoo maray, isaggoo xusay in ay ka go’an tahay in lasii labo jibaaro dadaalka dawladda Soomaaliya ay ku haggaajineyso hanaanka maaliyadda.

    “Had iyo jeer dib-u-habeynta Maaliyaddu waa safar adag, balse aan ka soo gudubnay oo faa’iidadiisana aan helnay. Waxaa naga go’an in aan sii laba laabno dadaalka aanu ku hagaajinayno hanaanka Maaliyadda” ayuu yiri Wasiir beyle.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.