Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka
    Somalia

    Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 10, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS, Cabdi Sheekh Axmed, ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka oo ka furmay caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan.

    Shirweynahan oo sanadkii hore u baaqday cudurka coronavirus awgiis, waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo khuseeya Boostada Adduunka, waxaana ugu weyn doorashada Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka iyo guddiyada ugu sarreeya Midowga, kuwaas oo howgali doona afarta sano ee soo socota.

    Furitaanka kadib, Wasiirku wuxuu shir-doceed la yeeshay Agaasimaha xilka wareejinaya ee UPU, Bishaar Xuseen oo ururka madax ka ahaa sagaalkii sano ee la soo dhaafay, isagoo uga mahadceliyay kaalintii uu ka geysatay soo-nooleynta Boostada Soomaaliya iyo inay soo ceshato xubinnimadeedii.

    Soomaaliya ayaa soo ceshatay xubinnimada buuxda ee UPU sanadkii 2019-ka, waxayna tani noqoneysaa doorashadii ugu horreysay ee madaxda Wasaaraddu ka qeybgalaan tan iyo burburkii dalka ka dhacay.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.