Taliska Africom,ayaa war kasoo saaray socdaalkii Talyaha Guud ee Africom iyo weftiga la socday ay ku mareen Geeska Afrika.
Waxaa lagu yiri nuxurka warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska…..
“Talyaha guud lugtiisii ugu horaysay,wuxuu ku maray Itoobiya oo kula kulmay Rw Abiy iyo Talyaha Ciidamada Burhanu Jula.
Wuxuu ku xijiyay SL oo kula kulmay Mw Cirro,Talyaha Ciidamada SL iyo saraakiil kale.
Ugu danbayn,wuxuu safarkiisii kusoo afmeeray Puntland oo uu kula kulmay M xigeenka PL Lugatoor,Talyaha Ciidamada Aadan Cabdi Xaashi iyo saraakiil kale.
Socdaalka ujeedadiisa ugu muhiimsan,waxay daarnayd xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Daacish.m”.
Maraykanku,wuxuu si weyn ubogaadiyay PL iyo hawlgalkeeda guulaystay ee sifaynta Daacish.
Wax fudud mahan in PL,SL iyo Itoobiya isku maqaam lagula kulmo,isla markaana la xuso Madaxdeeda iyo Talyaheeda Ciidamada.
Waa dhaqaaq siyaasadeed iyo Milleteri oo macno uleh Puntland,kaasoo ay ku kasbatay sida daacadnimada leh ee ay uga soo dhalaashay la dagaallanka argagixisada.
