Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Taliye C/Salaan “Saraakiil sirdoonka Eritrea ka socota baa ka shaqeysa garoonka diyaaradaha Muqdisho”
    Somalia

    Taliye C/Salaan “Saraakiil sirdoonka Eritrea ka socota baa ka shaqeysa garoonka diyaaradaha Muqdisho”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 23, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdisalaan Yuusuf Guuleed, ayaa ka digay qorshe uu wato Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, kaas oo halis u ah Amniga Qaranka, gaar ahaan kan Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

    Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA.

    DIGNIIN KUSOTA BULSHA WEYNTA SOOMAALIYED. GAROONKA ADAN CADAN.

    Ugu horentii aad iyo aad uga xumay muqaalada hoose iyo wixii garoonka ka dhacay maanta iyo shalay.

    Cawaaqib xumo aad u weyn baana lasoo socota garoonka diyaaradaha Adan Cade, hadaan laga hor tegin. Muda hada laga joogo ku dhowaad hal sanad ayaa waxa Fahad ka bedelay garoonka dhamaan dadkii horay uga shaqay jiray.

    Waxana lagu soo bedelay, koox cusub oo intooda badan golabada dalka keenay. Bilowgii 2021, waxa lagu soo kordhiyey ciidan cusub, oo qaar kood waardiyeyaan, terminal kii hore oo hada dayactir xowli ku socda ay ka wadaan Fahad iyo kooxdiisa.

    Ciidanka Nisa, ee garoonka lakenay ayaa dagaal ku bilaabay shaqaalaha garoonka. Dad ma mid ah, shaqalaha garoonka ayay dhowr marar hore jirdil ugu geysteen inkasta oon shaacin. Shaqalaha qaarkood ayaa sheegay in aad loo jir dilay, kadibna musqul la dhex fariisiyey, sawirana laga qaaday iyagoo qaawan.

    SHALAY GAROONKA.
    Waxa shalay diyaarad kasoo degay 2 qofood oo ajaanib ah, oo sheegay in ay Journalist yihiin, lkn aan visa wadan. Koox Nisa ka socota ayaa ayaa xoog ugala wareegtay shaqalihi imigareshinka sidaasna gudaha wadanka kusoo geliyey.

    MAANTA WIXII DHACAY
    Maanta oo taariiqdu tahay 22 April 2021, ayaa Kooxdii Nisa ee shalay sida xoogaa uga fara maroojiyey shaqaalihii hey’ada socdaalka kusoo celsheen 2 dii passport ee ajaanibta. Kadibna waxay isku dayeen in ay xoog ku saaraan VISA HA, sidaasna dagaalku ku bilowday, sida ay ii xaqiijiyeen ila xog ogaal ah.

    Sida sawirada hoose idin kaga muuqata. Waxay si ula kaca u burburiyeen qalabkii lagu shaqaynayay, sida, mashiinkii faraha lagu qaadayay, Kaamaroonkii iwm.

    Waxa jirtay, in saraakiil (ERITREA) ah mudooyinkii dambe ka shaqaynayeen, garoonka, qaas ahaan Xaafiiska Nisa. Garoonku amaan ma ahan, mana la isku haleyn karo sida uu hada yahay.

    W/Q: Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdisalaan Yuusuf Guuleed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.