Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump iyo Putin oo la ogaaday in ay kulan qarsoodi ah yeesheen
    Somalia

    Trump iyo Putin oo la ogaaday in ay kulan qarsoodi ah yeesheen

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 19, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxa la ogaaday in madaxweyne Donald Trump ku la kulmay dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, mar kale oo aan la sheegin shir madaxeedkii G20 ee bishan dhacay.

    Waxa ay labada nin yeesheen kulan wada xaajood ah oo kulankii hore ee la shaaciyey aan ahayn, laakiin Aqalka Cad ayaan sheegin faahfaafinta wixii ay ka wada hadleen.

    Madaxweyne Trump ayaa hore ugu tilmaamay warar sheegayey in ay si qarsoodi ah u wada casheeyeen kuna tilmaamay warkaa “war been ah”.

    Labada hogaamiye xidhiidhkooda ayaa aad isha loogu hayey iyadoo ay soo baxeen eedo ah in Ruushka iyo kooxdii ololihii doorashada Trump ay gacan saar qarsoodi ah lahaayeen.

    Sirdoonka Maraykanka ayaa rumaysan in Ruushku Trump ka caawiyey doorashadii madaxtinimada ee sannadkii hore, taas oo ah arin Ruushku beeniyey Trump na diiday in ay jirto ba.

    Kulanka labaad wuxu ka dhacay goob casho gaar ah loogu sameeyey madaxda dalalka G20 ee ka qayb galayey shirmadaxeedkii bishan horaanteedii lagu qabtay magaalada Hamburg.

    Madaxweyne Trump keligii buu ahaa Putin na waxa la joogay turjubaankiisa oo keliya, warbaahinta Maraykankuna waxay sheegtay in kulankaasi qaatay saacad.

    Waxa ay sheegi karaan saraakiisha Aqalka Cad ee ah in ay labada hogaamiye ka wada hadleen waa waxa uu Trump laftiisu u sheego oo kaliya maadaama aanay kulankaa ka qayb galin kaaliyeyaasha Trump.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.