Waxaa dib loo dhigay mudo Cisho weeraradii Xarumaha Tamarta Iran,waxaana fursad la siiyay wada xaajood si hoose usocday Labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
Mw Trump oo hadlay,wuxuu sheegay in uu rajo ka qabo wadahadaladu in ay guulaystaan,balse ma samayn xaqiijin in ay guulaysan doonaan.
Trump,wuxuu sheegay in aysan ismaqal hogaamiyaha sare ee Wadaada,balse ay wada hadleen hogaamiyayaal xushmad leh oo reer Iran ah.
Dadku,waxay iswaydiinayaan hadaysan wada hadlin hogaamiyaha sare,yuu yahay hogaamiyaha ay wada hadleen ee ay gaareen isfahanka?
Si kastooy tahay Trump,wuxuu sheegay in 15- qodob miiska usaaran yihiin oo ay tahay Wadaadada Iran in ay fuliyaan,kuwaasoo ay ugu horeeyaan in aysan yeelan karin Hub Niyukleer ah.
Marinka Hormus,ayuu sheegay in uu si buuxda ufurmi doono hadii heshiis rasmi ah la gaaro.
Arimaha rajada uu ka qabo in wada xaajoodkan ay kasoo baxaan,ayuu Trump ku sheegay in loo helo Iran hogaamiye lala shaqayn karo sida Venezuela.
