Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump oo kala diraya guddiga Mareykanka ee la tacaalidda Coronavirus
    Somalia

    Trump oo kala diraya guddiga Mareykanka ee la tacaalidda Coronavirus

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 6, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aqalka Cad ayaa qorsheynayaa inuu todobaadyo gudahood uu ku soo afjaro shaqada guddiga ka hortagga Corona, iyadoo dalkaasi uu weli faro ba’an ku haayo xanuunka covid-19.

    Aqalka Cad ayaa wajahaya cadaadis ku aadan doorashada sanadkan dalkaasi ka dhici doonta iyo dhaqaalaha dhulka galay.

    Afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay, in kabadan laba-kun iyo saddex boqol oo qof ayaa dhintey.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilli uu booqday warshad Arizona ku taalla oo lagu sameeyo maskaraatiga afka iyo sanka lagu duubto yiri dalkeena dib ayaan u soo celinaynaa.

    Saraakisha Caafimaadka Mareykanka ayaa ka digay in fayraska uu sii faafo iyadoo dalkaasi laga bilaabay in ganacsiyada qaar dib loo furo.

    Mareykanka ayaa haatan waxaa laga xaqiijiyay 1.2 milyan oo kiis iyo in ka badan 70,000 oo dhimasha ah sida laga soo xigtay tirakoobka Jaamacadda Hopkins ee ku taal Baltimore.

    Booqashada madaxweynaha ee warshadda ayaa imaneysa iyadoo uu toddobaadyo uu ku sugnaa Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo. Waxa uuna weriyaasha u sheegay in Guddiga la dagaalanka Coronvirus iyo madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ay shaqo wanaagsan qabteen balse ay haataan tahay in isbedal lagu sameeyo iyadoona markaan laga duulayo badqabka iyo dib u furidda ganacsiyada dalka.

    Dadka wax dhaleeceya ayaa madaweynaha ku eedeeyay inuu ku qamaarayo caafimaadka dad-weynaha Mareykanka isagoo aad u daneynaya dib u furidda dhaqaalaha Mareykanka iyadoo bisha Novembar lagu wado iney dalkaasi ka dhacdo doorashada madaxtinimada.

    Gobollo badan oo Mareykanka ka tirsan kuwaasi oo ogolaaday in ganacsiyada qaar dib loo furo, ayaa haatan waxaa lagu arkayaa kiisas cusub oo coronavirus ah, waxaana ka mid ah gobolladaasi Texas, Minnesota, Tennessee, Kansas, Nebraska iyo Indiana.

    Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Federaalkaa in bisha soo socota ay in ka badan 3,000 oo qof ay maalintii u dhiman karto fayraska Corona.

    Balse Aqalka Cad ayaa gaashaanka u daruuray warbixintaasi isagoo ku tilmaamay mid aan sax ahayn.

    BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.