Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ugandha oo 1,000 Askari oo howlgab ah u soo diraysa Soomaaliya
    Somalia

    Ugandha oo 1,000 Askari oo howlgab ah u soo diraysa Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 1, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay u yeertay in ka badan 1,000-Askari oo howlgab ah si ay ugu soo dirto Soomaaliya uguna biiraan ciidamada Ururka Midowga Afrika gaar ahaan kuwa difaaca dalkeeda ka socda.

    Askarkaan lasoo dirayo ayaa ah qaybta 31-aad ee Ciidamada Difaaca Uganda UPDF oo la qorsheeyay in Soomaaliya loosoo diro bishii April 2020 balse waxaa baajiyay faafitaanka xannuunka Covid-19 sida warka lagu yiri.

    Maj Yuusuf Bilaal Katamba oo kamid ah Saraakiishii ugu horreysya ee Ciidamada AMISOM Soomaaliya la keenay sanadkii 2007-dii ayaa sheegay in ciidankaan bilaha soo socda dib loogu celinayo Soomaaliya.

    Askarkaan howlgabka ah ayaa Soomaaliya yimid sanadkii 2007-dii oo ah markii uu bilawday howlgalka Midowga Afirkia ee AMISOM, waxaana xiligaas Dalka ka socday Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadii Dowladdii KMG ahayd oo garab ka heleysa Askarta Itoobiya & kooxihii wax iska caabbinta ee Maxkamadaha ka farcamay.

    “Qorshaha Askartaan lagu geynayo Soomaaliya ayaa ahaa Bishii April 2020 balse waxaa xayiray xaalada Covid-19 oo marqura dalalka Caalamka si kale u rogtay, Waa koox waayo aragnimo u leh Soomaaliya oo ay kasoo shaqeeyeen, waxa ay xoojinayaan askarta kale ee Afrika” Sidaasi waxaa yiri Sarkaal katirsan Ciidanka Howlgabka ah ee Soomaaliya loosoo wado.

    Soomaaliya waxaa ku sugan ku dhawaad 20,000 Askari oo xiran astaanka Midowga Afrika, waxaana ay ka kala socdaan dalal kala duwan oo qaaradda dhacda, 25-kii Febaraayo 2021 ayaa loo kordhiyay muddo shaqeedkooda kadib markii Golaha Ammaanka uu ansixiyay soo jeedintaas.

    Ciidanka Uganda ee Soomaaliya ku sugan waxaa lagu qiyaasaa in ay ka badan yihiin 6,000 oo askari, ilaa saddex qayb ayay u joogaan, kuwa ayaa ku jira liiska Militariga AMISOM, Booliis ahaan askar ayaa u diiwaangashan halka qaybta saddexaad ay ilaalo ka tahay xarumaha Qaramada midoobay ee Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.