Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ukrain oo uu ka fashilmay Weerar ay Putin ku dili lahayd
    Somalia

    Ukrain oo uu ka fashilmay Weerar ay Putin ku dili lahayd

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 3, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ruushka ayaa sheegay in ay soo rideen laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo xalay bartilmaameedsaday aqalka Kremlin-ka ee magaalada Moscow, waxayna ku eedeeyeen Ukraine inay isku dayday inay disho Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

    Kremlin-ka,ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagusoo riday adeegyo gaar ah oo isticmaalaya nidamka raadaarka elektaroonigga ah. Mr Putin ayaa xilligaas joogin xarunta Kremlin-ka, afhayeenkiisa Dmitry Peskov ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee dowladda, isagoo intaa ku daray in aysan jirin wax burbur ah oo soo gaaray dhismayaasha.

    Ukraine ayaa sheegtay in aysan wax faallo ah ka bixin. Muuqaalo aan la xaqiijin oo la soo dhigay baraha bulshada ee Ruushka ayaa muujinaya qiiq ka dul dhacay bartamaha Moscow saacadihii hore ee Arbacada. Bayaan uu soo saaray Kremlin-ku ayaa lagu yiri: “Xalay, taliska Kyiv wuxuu isku dayay inuu weerar la beegsado Guriga Kremlin-ka ee uu degan yahay Madaxweynaha Federaalka Ruushka iyaga oo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn.”

    Waxa uu sheegay in ay arrintan u aro “fal argagixiso oo la qorsheeyay iyo isku day dil oo lagu beegsanayey madaxweynaha”, Ruushkuna waxa uu “xaq u leeyahay in uu qaado tillaabooyin aargoosi ah meel kasta iyo mar kasta oo loo arko in loo baahan yahay”.

    Mr Putin wax dhaawac ah ma soo gaarin jadwalkiisuna wuxuu ku sii socon doonaa si caadi ah, ayaa lagu yiri bayaanka.

    Qaybo ka mid ah dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ku soo dhacay barxadda Kremlin-ka, balse cidina ma aysan dhaawacmin, ayaa la yiri.

    Kremlin-ka,ayaa sidoo kale xustay in dhacdadani ay timid wax yar ka hor dhoolatuska maalinta guusha Ruushka ee 9-ka May, kaas oo la filayo in ay ka soo qeybgalaan madax ajnabi ah.

    Xafiiska madaxtooyada Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in aysan hadda ka hadleynin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee G.Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee G.Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.