Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ukrain oo uu ka fashilmay Weerar ay Putin ku dili lahayd
    Somalia

    Ukrain oo uu ka fashilmay Weerar ay Putin ku dili lahayd

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 3, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ruushka ayaa sheegay in ay soo rideen laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo xalay bartilmaameedsaday aqalka Kremlin-ka ee magaalada Moscow, waxayna ku eedeeyeen Ukraine inay isku dayday inay disho Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

    Kremlin-ka,ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagusoo riday adeegyo gaar ah oo isticmaalaya nidamka raadaarka elektaroonigga ah. Mr Putin ayaa xilligaas joogin xarunta Kremlin-ka, afhayeenkiisa Dmitry Peskov ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee dowladda, isagoo intaa ku daray in aysan jirin wax burbur ah oo soo gaaray dhismayaasha.

    Ukraine ayaa sheegtay in aysan wax faallo ah ka bixin. Muuqaalo aan la xaqiijin oo la soo dhigay baraha bulshada ee Ruushka ayaa muujinaya qiiq ka dul dhacay bartamaha Moscow saacadihii hore ee Arbacada. Bayaan uu soo saaray Kremlin-ku ayaa lagu yiri: “Xalay, taliska Kyiv wuxuu isku dayay inuu weerar la beegsado Guriga Kremlin-ka ee uu degan yahay Madaxweynaha Federaalka Ruushka iyaga oo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn.”

    Waxa uu sheegay in ay arrintan u aro “fal argagixiso oo la qorsheeyay iyo isku day dil oo lagu beegsanayey madaxweynaha”, Ruushkuna waxa uu “xaq u leeyahay in uu qaado tillaabooyin aargoosi ah meel kasta iyo mar kasta oo loo arko in loo baahan yahay”.

    Mr Putin wax dhaawac ah ma soo gaarin jadwalkiisuna wuxuu ku sii socon doonaa si caadi ah, ayaa lagu yiri bayaanka.

    Qaybo ka mid ah dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ku soo dhacay barxadda Kremlin-ka, balse cidina ma aysan dhaawacmin, ayaa la yiri.

    Kremlin-ka,ayaa sidoo kale xustay in dhacdadani ay timid wax yar ka hor dhoolatuska maalinta guusha Ruushka ee 9-ka May, kaas oo la filayo in ay ka soo qeybgalaan madax ajnabi ah.

    Xafiiska madaxtooyada Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in aysan hadda ka hadleynin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.