Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDE: Madaxweyne Deni “Puntland dulqaad bay u baahan tahay iyo Isu-tanaasul”
    Puntland

    VIDE: Madaxweyne Deni “Puntland dulqaad bay u baahan tahay iyo Isu-tanaasul”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 11, 2019Updated:August 11, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka weynaha caasimadda Garoowe kula oogey salaadda ciidul Adxaha, Gar ahaan Garoonka kubadda cagta Mire Awaare.
    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale la oogey salaadda ciidda shacabkiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, isimmo, nabadoonno, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa qayb ka ahaa munaasabadda.

    Madaxweynaha Puntland ayaa dhammaan ummadda islaamka ah, ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland-ba ugu hambalyeeyey munaasibadda farxadda ciidul adxaha.

    https://www.youtube.com/watch?v=AngEVSqQb-0&feature=youtu.be

    “Marka ugu horaysan waxaan halkan hambalyo uga dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah ee adduunka, shacabka Soomaaliyeed, kuwa reer Puntland waxaan ugu hambalyaynayaa munaasibadda ciidul Adxa fadligeeda oo ah munaasibad ku weyn dadka muslimiinta ah, shalay carafaa la taagnaa, maantana muslimiintu waxay ku ciidaysaa Ciidul Adxa, waxaan Alle ka rajaynaynaa ummadda muslimiinta ah meelkastay joogto iyo dhibaatada ka jirta dalalka muslim ka ah inuu ka dulqaado”.

    “Waxaan sidoo kale ummadda Soomaaliyeed u rajaynayaa cilmi fiican, nabadgelyo iyo deganaansho uu siiyo, dhibaatooyinka haystana uu ka dulqaado” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo la qaybsanaya muslimiinta caalamka iyo shacabka Soomaaliyeedba farxadda ciidul adxaha ayaa ugu hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland munaasibadda maalintani weyn.

    “Waxaan ummadda Islaam ka ah ugu hambalyaynayaa munaasibadda maalintani, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa leeyahay farxad ku ciida, intaasi kadib waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ilaashataan nabadgelyadiina, Puntland cadaw badan bay leedahay gude iyo dibedba, kuwo shayaadiin ah iyo kuwo kale oo xuduudaha inagaga soo duula labadaba inaan dalkeena ka difaacanaa waa waajib”.

    “Puntland waxaa lagu dhisay isku duubni, wadatashi iyo dulqaad intaaba Puntland hadda waa looga baahan yahay, waxaa looga baahan yahay Samir, waxaa looga baahan yahay wadatashi, waxaa looga baahan yahay isu tanaasul, waxaynu maqlaynaa in beelaha qaarkood guuxyo iyo waxjiraan, waxaan u sheegayaa Puntland dulqaad bay u baahan tahay, isku duubni bay u baahan tahay, way kusoo caana maashay, Xukuumaddatan aan madaxda ka ahay waxay diyaar u tahay wixii wax qabada inay la fariisato oo qanciso, lakiin caado umalahaan jirin in beelo shir-shiraan oo hadalo soo saaraan, waxana ku boorinayaa xukuumadda in arrintaasi laga hawlgalo” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.