Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-40-Sarkaal oo ka kala socda Gobolada dalka oo tababar loogu soo xiray garowe
    Somalia

    Video:-40-Sarkaal oo ka kala socda Gobolada dalka oo tababar loogu soo xiray garowe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 17, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 July 2017 tabar ugu soo xidhay magaalada Garoowe ciidan tiradoodu dhantahay 39 askari, kuwaas oo ka kala socdey Puntland, DFS iyo maamuladda kale ee Dalka

    Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey tababar kani loo soo xidhay 39 ka askari taliyaha ciidanka Asluubta dawladda Puntland Cali Nuur Cumar Saalax, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland saraakiil ka tisan Madaxtooyadda Puntland iyo macalimiinta tababarkani bixinaysey.

    Madaxweynaha oo lahadlayey ciidankani ayaa ku dhiirigeliyey cilmiga iyo aqoonta labaray inay uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda, isla markana ay ahaadaan kuwo had iyo jeer ku foogan sidii ay dalkooda uga samatabixin lahaayeen xaaladda uu maanta kujiro, uguna horseedi  lahaayeen horumar.

    Sidoo kale Madaxweynaha oo kahadlaya faa’iidada ay leeyihiin tababarada noocanoo kale ahi ayaa sheegay  inay wax badan ka tari doonaan is dhexgalka ummaada Soomaaliyeed, is aaminaada shacabka Soomaliyeed  iyo wax wadda lahaanshaha  Qaranka Soomaalityeed..
    ”Waan ku farax sanahay runtii tababaradda noocanoo kale ahi inay Puntland ka dhacaan, ummada Soomaaliyeed ee isku danta ah, ee isku u jeedada ahi inay isu yimaadaan, tababarka marba meel lagu qabto, lays dhexgalo, wixii macluumaadda iyo aqoona lays weydaarsado waa wax wanaagsan, dabcan isu imaatanka noocanoo kale ahi wax badan buu ka bedelayaa dawlad-nimadda Soomaaliya iyo horumarkeeda” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyey ciidankan dhamaystay tababarka, waxaana uu Alle uwaydiiyey in tababar kani anfaco ciidankaasi, isla markaana ay uga faa”iideeyaan bulshadda Soomaaliyeed meelkastay joogaanba.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale umahadnaqay tababarayaasha ka socdey UNODC iyo dalka Sweden kuwaasi oo ka qayb qaatay tababarka ciidanka, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu ku amaanay tababarayaasha sida wananaagsan ee ay mudada kooban ula dedaaleen ciidamadani muhiim ka ah inay wax badan ka bedelaan aqoontooda iyo xirfadoodaba.

    Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kubooriyey ciidamada ka kalayimid maamulada dalka iyo Dawladda Fadaraalka Soomaaliya inay fariinta wanaagsan ee ay ku arkeen Puntland gaadhsiiyaan meeshii ay ka yimadeen, isla markaana u cadeeyaan in laga kaaftoomi karo tababarada loo aado dalka debediisa, waxaana uu Madaxweynuhu guddoonsiiyey  saraakiishaasi shahaado cadaynaysa inay dhaynteen tababarka,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/Mn7mL_bn2ds

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.