Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Amiirka Dalka Qadar Oo Afka Furtay Si Kalsooni Ku Jirtana Ula Hadlay Shacabkiisa Sheegayna Inay Guulaysteen.
    Somalia

    Video:-Amiirka Dalka Qadar Oo Afka Furtay Si Kalsooni Ku Jirtana Ula Hadlay Shacabkiisa Sheegayna Inay Guulaysteen.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 22, 2017Updated:July 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Amiirka dalka Qadar ayaa ku baaqay in wada xaajood lagu xalliyo khilaafka dalkiisa kala dhexeeya afar waddan oo Carbeed oo ay deris yihiin.

    Waa khudbaddiisii ugu horreysay tan iyo markii ay dalalka Sucuudi Carabiya, Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ay xayiraado dhaqaale ku soo rogeen dalkiisa bishii la soo dhaafay.

    Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani waxaa uu ku baaqay wadahadal si loo dhammeeyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan dalkiisa iyo afartab waddan ee Carbeed.

    Waxaa uu sheegay in nolasha dalkiisu ay caadi ku socoto inkastoo lagu hayo wax uu ugu yeeray go’doomin aan xaq ahayn.

    Amiirku waxaa uu sheegay in Qadar ay si aan ka daalid iyo jixinjix lahayn ula dagaallamaysay argagixisada, beesha caalamkuna ay taas aqoonsatay.

    Mar sii horreysay ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Rex Tillerson, waxaa uu sheegay in Washington ay ku qanacsan tahay dadaalka ay Qadar ka geysatay heeshii ku saabsan sidii loo joojin lahaa lacagaha gaara kooxaha jihaad-doonka ah.

    Tillerson waxaa uu sheegay in iyadoo taas laga jawaabayo, ay tahay in waddammadani ay jaarka yihiin Qadar ay debciyaan xayiraadaha ay ku hayaan dalkaas.

    Sucuudi Carabiya, Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta waxay hore ugu eedeeyeen Qadar inay maalgeliso kooxo mintidiin ah,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.