Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Amiirka Dalka Qadar Oo Afka Furtay Si Kalsooni Ku Jirtana Ula Hadlay Shacabkiisa Sheegayna Inay Guulaysteen.
    Somalia

    Video:-Amiirka Dalka Qadar Oo Afka Furtay Si Kalsooni Ku Jirtana Ula Hadlay Shacabkiisa Sheegayna Inay Guulaysteen.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 22, 2017Updated:July 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Amiirka dalka Qadar ayaa ku baaqay in wada xaajood lagu xalliyo khilaafka dalkiisa kala dhexeeya afar waddan oo Carbeed oo ay deris yihiin.

    Waa khudbaddiisii ugu horreysay tan iyo markii ay dalalka Sucuudi Carabiya, Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ay xayiraado dhaqaale ku soo rogeen dalkiisa bishii la soo dhaafay.

    Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani waxaa uu ku baaqay wadahadal si loo dhammeeyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan dalkiisa iyo afartab waddan ee Carbeed.

    Waxaa uu sheegay in nolasha dalkiisu ay caadi ku socoto inkastoo lagu hayo wax uu ugu yeeray go’doomin aan xaq ahayn.

    Amiirku waxaa uu sheegay in Qadar ay si aan ka daalid iyo jixinjix lahayn ula dagaallamaysay argagixisada, beesha caalamkuna ay taas aqoonsatay.

    Mar sii horreysay ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Rex Tillerson, waxaa uu sheegay in Washington ay ku qanacsan tahay dadaalka ay Qadar ka geysatay heeshii ku saabsan sidii loo joojin lahaa lacagaha gaara kooxaha jihaad-doonka ah.

    Tillerson waxaa uu sheegay in iyadoo taas laga jawaabayo, ay tahay in waddammadani ay jaarka yihiin Qadar ay debciyaan xayiraadaha ay ku hayaan dalkaas.

    Sucuudi Carabiya, Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta waxay hore ugu eedeeyeen Qadar inay maalgeliso kooxo mintidiin ah,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.