Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Axmed Karaash oo kormeeray Bangiga Dhexe ee Dowladda
    Puntland

    VIDEO: Axmed Karaash oo kormeeray Bangiga Dhexe ee Dowladda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 10, 2019Updated:September 10, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tegey Bangiga Dhexe ee Dowladda ee caasimadda Garoowe iyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

    Kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa daaranaa korjoogtaynta sida ay u socoto shaqada muhiim ka ah ee ay hayaan xarumahaasi, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Bangiga Dhexe ee dowladda, halkaasi oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta Bangiga iyo hawl-wadeenada Bangiga oo ku gudajira shaqadooda, waxa uu booqday dhammaan xafiisyada ay ka kooban tahay xaruntu.
    Guddomiyaha Bangiga Cabdicasiis Ismaaciil Boos ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cimaan Karaash uu ku tegey Bangiga iyo kulan gaar ah oo ay wadaqaateen.

    “Waxaa maanta kormeer noogu yimi Bangiga Dowladda Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, booqashada Madaxweynaha ayaa qayb ka ahayd kormeer uu ku samaynaayey hay’addaha Dowladda, wuxuu soo kormeeray waaxyaha, qaybaha, dhismayaasha iyo laamaha Bangiga”

    “Intaasi markii ay soo idlaatay waxaanu Madaxweynaha wada-qaadanay shirgaara ah, waxaanu siinay warbixino la xiriira sida ay shaqadu u socoto iyo sidii Bangiga loo casriyeynlahaa si uu ula jaanqaado Bangiyada kale” Ayuu yiri Guddomiyaha Bangiga Dowladda Cabdicasiis Ismaaciil Boos.
    Sidoo kale Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray Taliska ciidanka Booliska Puntland ee caasimadda Garoowe, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.

    Muxiyadiin Axmed Muuse, Ku-xigeenadiisa iyo taliyaha qaybta gobolka Nugaal G/Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uu intaasi kadib kulan gaar ah la qaatay masuuliyiintaasi iyo hogaanada kale ee ciidanka Booliska Puntland.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/2463027077264533/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.