Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Axmed Karaash oo shahaadooyin guddoonsiiyey Dhakhaatiir ka socotay Ururka WAMY+Sawirro
    Somalia

    VIDEO: Axmed Karaash oo shahaadooyin guddoonsiiyey Dhakhaatiir ka socotay Ururka WAMY+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 26, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dhakhaatiir ka socota Ururka Dhallinyarada Wadamada Islaamka ee (WAMY), oo Puntland ka fuliyey qalliin iyo daaweyn lacag la’aan ah.

    Kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Mudane, Jaamac Faarax Xasan oo hogaaminayey wafdiga iyo Masuuliyiin ka socda Xafiisyada kala ah; Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed SOYPD , Hay’adda Xikma, Shirkadda KEBARCO iyo Isbitaalka Gaalkacayo oo dhammaantood kala shaqeynayey Wasaaradda in Mashruucan qaliinka iyo daaweynta lacag la’aanta ah uu hirgalo.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/502439667029886/

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Adeega Caafimaad ee lacag la’aanta ah ee Dhakhaatiirtan ay dalka ka fuliyeen, Isagoo sheegay ka Dowladd ahaan inay marwalbo u fududeenayaan Dhakhaatiirta inay soo noqnoqdaan si ay howlaha samafalka caafimaad u gaarsiiyaan dhammaan Gobolada Puntland.

    Dhakhaatiirtan oo u kala dhashay wadamada Sacuudiga iyo Suudaan, waxaa ay Isbitaalka Guud ee Gaalkacayo ka fuliyeen adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah waxaa ka faa’ideystay dad ku dhow 140 qof, dadkaasi 105 ka mid ah waxaa loo sameeyay qalliin.

    Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shahaadooyin mahadcelin iyo dhiirigelin ah guddoonsiiyey dhammaan dhakhaatiirtii ka socotay Ururka Dhallinyarada Wadamada Islaamka (WAMY) iyo xubnihii kala shaqeeyey mashruucan inuu qabsoomo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.