Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Baarlamaanka Puntland oo u yeeray Hanti-dhowrka Guud
    Puntland

    VIDEO: Baarlamaanka Puntland oo u yeeray Hanti-dhowrka Guud

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 6, 2019Updated:July 6, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa dood adag ka taagan tahay xisaab xirka Miisaaniyada Xukuumada Puntland.

    Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo maanta kulan ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa dood adag ka yeeshay Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii, taas oo dhowaan loo gudbiyay.

    Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa Xildhibaanadu Dood adag ka yeesheen Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii, waxaana eedeeyn kulul u jeediyeen Xildhibaanadu Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

    Wasiirka Maaliyada ee xiligan,ayaa ugu yaraan ku dadaalay beekhaaminta dhaqaalaha,waxuuna bixiyay inta badan shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidamada Dowlada mushahaarkooda.

    Balse Xasan Shire,ayaa lagu dhaliilayaa in uusan la imaan wax qorshe cusub ama hindise ilo dhaqaale iyo soo kordhin dakhli oo cusub,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://www.youtube.com/watch?v=SRpziGRMxKw&feature=youtu.be

    Xildhibaanada ayaa Sheegay in Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland uu u soo gudbiyay in la hareer maray Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee ay ansixiyeen, Iyagoona sidoo kale eedeyn u jeediyay Hanti-dhowrka oo ay sheegeen inuu gabay Shaqadiisii.

    Ugu dambeyntii, Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa u yeeray Hanti-dhowraha Guud ee Dowladda Puntland, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Dhoobo-daareed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.