Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Carwada Buugaagta Puntland oo laga daahfuray Garowe
    Somalia

    Video:-Carwada Buugaagta Puntland oo laga daahfuray Garowe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 17, 2017Updated:July 17, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 July 2017 magaalada Garoowe ku Daahfuray bandhii 3-aad ee buugaagta, sidoo kalena waxa uu Madaxweynuhu madashaasi kusoo bandhigay boogiisa lagu magcaabo  ”A Challenging Transition In Soomaali”, kaasi oo ka waramaya wax qabadka la taaban karo ee uu Madaxweynuhu wadankiisa ka hirgeliyey xiliyadii  kala gedisnaa ee uu ku jirey saaxadda siyaasadda.

    Furitaanka Bandhii 3-aad ee buugaagta ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, 63 qoraa oo Soomaaliya oo Madaxweynuhu qayb ka yahay, marti-sharaf lagu marti qaaday bandhigani oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo debediisaba, aqoon yahano, arday, waalidiin iyo marti sharaf kale.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo khudbad muhiima ka jeediyey furitaanka munaasibadani ayaa sheegay in dawladdu qayb lixaad leh ka qaadatahay, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu balan qaaday in uu dhax dhigidoona, hirgelinadoono dhismayaal wax badan ka taridoona soo noolaynta Afka Hooyo iyo dhaqankeena.

    “Dabcan anagu bandhigan  asaaskiisa wax baan ka ogeyn, waxaan dhisi doona Akademiyadda horumarinta dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed, Waa afar qeybood oo ah meel taariikhda lagu ururiyo , Maktabad gaar ah oo taariikhdeena lagu kaydiyo,  oo aan ku keydsano buugaagta ka hadlaysa taariikhda iyo horumarinta  suugaanteena, iyo tan u danbeysa oo ah Tiyaatar Qaran oo ah meel dadka suugaanleyda ah isugu yimaadaan, kusoo bandhigaan aqoontooda iyo talenti-gooda.” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhalinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntlandba ku booriyey in dadka taarikhda haya, wax badana ka og dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah laga faa’iidaysto.

    ”Waxa jira dad waaweyn oo waxbadan og, oo taariikh haya waxaa loo baahanyahay in dhallinyaradu dadkaasi kala haraan waxbadan oo aqoon iyo taariikh ah. hada waa soconaynaa Insha Allah waana ku laabaneyna meeshii aan ka nimid insha Allah.” ayu yiri Madaxweynuhu

    Dhinaca Kale Madaxweynaha Puntland ayaa dhalinta ku dhiiriyey inay iibsadaan buugaagta say uga faa’iidaystaan cilmiga ku duugan iyo afgaarta kala gedisan ee ku qoran.

    ”Waa in buugaagta la iibsado waxay dhiirigelin u tahay qorayaasha , buuga aad iibsato xitaa caruurtada dhaxal ayeey u tahay, waxaan rabnaa sidoo kale inaan ku dhiirigelino dadka sponsors-ka ah inay usoo jeestaan, Bandhiguna waa inoo furanyahay waana mahadsantihiin” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Ugu Danbayntii,  Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo bandhigay buugiisa lagu magcaabo ”A Challenging Transition In Soomaali” kaasi oo ka xog waramaya wax qabadkii kala duwanaa ee uu Madaxweynuhu ka qabtay Soomaaliya intii uu ku jirey saaxadda siyaasadda,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka 1aad

    https://youtu.be/hvjwTX_Shl8

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.