Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Degmada Ufeyn ee Gobalka Bari oo yeelatay Maamul Cusub (Sawirro)
    Puntland

    VIDEO: Degmada Ufeyn ee Gobalka Bari oo yeelatay Maamul Cusub (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 8, 2019Updated:September 8, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland ayaa soo gabagabaysay Dhismaha Golaha Degaanka Degmada Ufayn ee Gobalka Bari, iyadoona xalay la qabtay Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Cusub ee Ufeyn.

    https://www.facebook.com/moilgrd/videos/376637773245767/

    Doorashada Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa oo ahayd mid ay dadka reer Ufayn Goobjoog ka ahaayeen, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Qoyska, Agaasimaha Waaxda Dimuquradiyeynta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Isu-duwaha Wasaaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Bari, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Taliyaha Qaybta Gobolka Bari, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Bari, isimo uu kamid yahay Beeldaajiye Cali Faarax, Nabadoono, Haween, Culimo, Waxgarad iyo Saraakiil.

    Maxamed Axmed Saalax (Carabey), ayaa ku guuleystay Doorashada Guddoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Ufeyn, halka Guddoomiye ku-xigeenka uu ku guulaystay Cadaysay Cabdi Cadaysay.

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa bogaadiyay Golaha Degaanka cusub Degmada Ufeyn, isagoona kula dardaarmay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadka ay u egmadeen Shacabka Degmada Ufeyn ee Gobalka Bari.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.