Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Erdogan oo khudbad qiiro leh ka jeediyey xuska af-gembigii dhicisoobay
    Somalia

    Video:-Erdogan oo khudbad qiiro leh ka jeediyey xuska af-gembigii dhicisoobay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 16, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa tobanaan kun oo qof u jeediyey khudbad qiiro leh, dadkaas oo iskugu soo baxay xuska sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay af-gembigii dhicisoobay ee ay shacabku dariiqyda magaalooyink waawyen kaga hortageen.

    Erdogan, ayaa amaanay dadka iyo xildhibaanadii golaha shacabka ee difaacay dimuqraadiyadda iyo xukuumadiisaba.

    Wuxuu taageeray ciqaabta dilka ah ee lagu xukumay kuwii maleegay af-gembiga waxaanu yidhi waa in loo xidhaa dhar la mid ah kuwa loo xidho maxaabiista ku jira Guantanamo Bay.

    Ku dhawaad 250 qof ayaa ku dhintay 2196 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkii ay kala hortageen af-gembigii ay isku dayeen koox ka mid ah milatarigu 15 Juulaay sannadkii hore.

    Dawladda ayaa tan iyo maalintaa qaadday olole ay ku ugaadhsaneysay dadkii lagu eedeeyey in ay taageerayeen af-gembigaa, waxaana shaqada laga eryay in ka badan 150,000 oo shaqaale dawladeed ah sidoo kalena waxaa xabsiga loo taxaabay 50,000 oo qof.

    Af-gembigu wuxuu ku dhicisoobay dhawr arimood dartood oo ay ka mid ahaayeen saraakiisha sarsare ee ciidamada qalabka sida oo aan taageersanayn iyo sidoo kale taageero siyaasadeed iyo mid shacab oo aanu midkoodna kasban.

    Dadka dhaliila Erdogan ayaa sheegay in uu af-gembigaa dhicisoobay marmarsiiyo uga dhigtay sidii uu u cabudhin lahaa dadka siyaasadda kaga soo horjeeda, todobaadkii horena boqolaal kun oo qof ayaa iskugu soo baxay magaalada Istanbul ka dib markii ay socod dheer oo 450 km ah oo loo bixiyey socdaalkii “caddaaladda” oo dawladda lagaga soo horjeeday ku soo mareen meelo badan.

    Madaxweynaha ayaa se dadkaa socdaalka dheer abaabulay ku eedeeyey in ay taageerayaan argagixisada,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.