Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Maareynta Maaliyadda Dalka
    Puntland

    VIDEO: Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Maareynta Maaliyadda Dalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa Ansixiyey maanta Sharciga maareeynta maaliyadda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda,kaasoo horey laba Akhrin usoo maray.

    Kooramka  Mudanayaasha golaha shacabka ee BFJS waxaa uu ahaa 141-Xildhibaan,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

    Waxaa Codka Haa ku ogolaatay 135 xildhibaan, 6-Xildhibaan mudane ayaa diiday mana jirin xildhibaan ka aamusay,sida uu natiijada codeynta uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

    Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraji ayaa xildhibaanada golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan.

    Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa  sheegay in maadaamaa maalmihii lasoo dhaafay joogta noqotay xildhibaanada kulamada golaha ka maqan aan marnaba loo dul qaadan doonin Xildhibaan ka maqnaada kulamada golaha, islamarkaana Xildhibaankii sabab la’aan maqnaada kulamada golaha ay la tiigsan doonaan xeer hoosaadka golaha shacabka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.