Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Maareynta Maaliyadda Dalka
    Puntland

    VIDEO: Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Maareynta Maaliyadda Dalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa Ansixiyey maanta Sharciga maareeynta maaliyadda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda,kaasoo horey laba Akhrin usoo maray.

    Kooramka  Mudanayaasha golaha shacabka ee BFJS waxaa uu ahaa 141-Xildhibaan,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

    Waxaa Codka Haa ku ogolaatay 135 xildhibaan, 6-Xildhibaan mudane ayaa diiday mana jirin xildhibaan ka aamusay,sida uu natiijada codeynta uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

    Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraji ayaa xildhibaanada golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan.

    Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa  sheegay in maadaamaa maalmihii lasoo dhaafay joogta noqotay xildhibaanada kulamada golaha ka maqan aan marnaba loo dul qaadan doonin Xildhibaan ka maqnaada kulamada golaha, islamarkaana Xildhibaankii sabab la’aan maqnaada kulamada golaha ay la tiigsan doonaan xeer hoosaadka golaha shacabka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.