Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Golaha wasiirada fadaraalka oo ka shiray dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.
    Somalia

    Video:-Golaha wasiirada fadaraalka oo ka shiray dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 29, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xubnaha golaha Wasiirada ee Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo biirey shirka intuu socday oo uu dardaaran u jeediyey Wasiirada. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.

     Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada dardargelinta shuruucda dalka bacdamaa ay Dawladan tahay tii Sharciga iyo Shacabka, shacabkana ay naga sugayaan waxqabad dhan walba ah.

    Xubnaha golaha ayaa dhageystay warbixino ku aadan shuruucda ay gacanta ku hayaan wasaaradaha qaar si loogu sii diyaar garoobo oo Golaha Wasiirada ay u ansixiyaan ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka. Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin, Hindise Sharciyeedyadaas oo ay ka mid yihiin;

    1. Isgaarsiinta
    2. La Dagaalanka Musuqmaasuqa
    3. La-Dagaalanka Argagaxisada
    4. Runta & Dib u Heshiisiinta
    5. Dawladaha Hoose
    6. Dambiyada Kufsiga
    7. Muwaadinimada
    8. Dadka Baahiyaha Gaarka qaba
    9. Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada
    10. Badda
    11. Kheyraadka Biyaha
    12. Tamarta
    13. Maareynta Maaliyada
    14. Istaatiistikada
    15. Xeerka Saxaafada
    16. Waxbarashada
    17. Nidaamka Hay’adaha Samafalka
    18. Sharciga Beeraha
    19. Gudiga Muftida Culumada

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/aO7OyFDiGto

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    August 22, 2025

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    August 22, 2025

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.