Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo la dhaariyey
    Puntland

    VIDEO: Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo la dhaariyey

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta Guddiga Kumeel-gaar ka ah ee Doorashooyinka Puntland oo maanta ka qabsoontay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

    Dhaarta kadib Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ku baraarujiyey xubnaha Guddiga inay sugayso shaqo muhiim ah oo kamid ah Axdi Qarameedkii Puntland lagu dhisay, taasi oo ah in dalka la gaadhsiiyo doorasho dimuquraadiya oo hal qof iyo hal cod ah.

    “Sharafweyn bay ii tahay inaan maanta goobjoog ka ahaado dhaartiina, waxay tusaale u tahay sida Dowladda Puntland ay uga go’antahay in dalkan marxalad doorasho uu galo, balanqaadkeena ayay ka mid ahayd, iyadoo hawlo farabadan ay dalka yaaliin, hadana wakhti aad u badan ayaan siinay sidii gudigan uu u dhismilahaa, waxaan marka ugu horaysa u mahadcelinayaa Guddoonka Baarlamaanka sida dastuurku uu qabey, iyagoo la-tashiyo sameeyey inay soo gudbiyaan xubnaha dastuurku uu u ogolaaday ee Afarta ah.” 

    “Sidoo kale Madaxtooyada la-tashi badan oo dhaafsiisan cidwalba oo waxgarad ah oo reer Puntland ah anagoo eegayney marxaladdan cusub dadka ku haboon, xeerinayneyna habka uu guddigani u shaqayn karo, la-tashigaa wakhti badan buunaga qaatay runtii, Alle ayaan uga mahadcelinaynaa taladaas kadib inuu go’aankii idinka noqday, anaga dedaal ayaa nafaran, Alle ayaa idiin-gartay inaad ka mid noqotaan, maantana Alle hortii ayaad u dhaarateen inaad masuuliyaddaas qaadaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Deni ayaa Guddiga u xaqiiyey inaanay dhanka dowladda kaga imaan-doonin duruufo siyaasadeed oo caqabad ku noqda shaqadooda.

    “Duruufaha imaandoona anuu ka waramimaayo oo cilmi qayb ma ihi, waxaan cadaynayaa duruufo siyaasadeed oo dowladda ka yimid inaanay caqabad ku noqondoonin doorashada, wixii kale idinkaa u joogidoona, waxaan kaloo ku kalsoonahay maanta iyo shalay inay kala duwan tahay oo dadku maanta u bisilyahay nidaamka dimuquraadiga ah, waxaana daliil u ah doorashadii dhowayd qaybo kamida qabaa’ilada doorasho ayay kusoo xuleen xildhibaanadooda halkii uu hal qof qorilahaa”. Ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddiga u xaqiijiyey in dowladdu wajibaadkeeda iyo taggeeradeeda shaqo, dhaqaale iyo taloba diyaar ulatahay, waxaana uu xusay in iyagana lagarabo shaqo hufan oo wakhtiyaysan, isla markaana waxa uu tilmamaay inay sida ugu dhakhsiyaha badan u qabtaan Doorashooyinka Dowladdaha Hoose, talo iyo shaqo badan kadib.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.