Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Guddoomiye Dhooba-daareed “Ma aqbali karno in Puntland oo awood leh ay Qabiilo difaacaan SSC”
    Puntland

    VIDEO: Guddoomiye Dhooba-daareed “Ma aqbali karno in Puntland oo awood leh ay Qabiilo difaacaan SSC”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 9, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Axmed Maxamed Dhooba-daareed, ayaa si adag uga hadlay Xaalada Gobalada Sool iyo Sanaag.

    Guddoomiye Dhooba-daareed ayaa sheegay in Puntland lagu aas aasay Shan Gobal oo xor ah iyo Degmada Buuhoodle, balse maanta la heysto qeyb kamid ah Degaanada Puntland.

    Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay tahay waxaan la aqbali Karin in Maamulka Somaliland uu sii heysto qeybo kamid ah Dhulka Puntland, Iyadoo Dowlad balaaran oo awood leh ay Mandiqada Puntland ka dhisan tahay.

    https://www.youtube.com/watch?v=8IY6JQHJmcE&feature=youtu.be

    Mr. Dhooba-daareed ayaa tilmaamay in Dowladda Puntland ay damaanad qaaday markii la aas aasay kow sugida amniga iyo Xuduudaha Dhulkeeda, aysana aheyn in maanta beelo laga sugo difaaca dhulkaa, waxaana uu intaas sii raaciyay in dad iyo Duunyo la helo balse dhul aan la helin.

    Ugu Dambeyntii, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Axmed Maxamed Dhooba-daareed, ayaa ugu baaqay Xukuumadda Puntland inay qaado si deg deg ah tilaabo adag oo dib loogu soo celinayo dhulka maqan, ayna baarlamaanku kula xisaabtami doonaan.

    Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland, ayaa yimid kaddib dood adag oo Golaha Wakiilada Puntland shalay ka yeesheen Xaalada Gobalada Sool iyo Sanaag, sidoo kalena ay u yeereen Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Madaxweyne ku-xigeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.