Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Khadar oo furay Shirka Fulinta Qorshaha Dib-u-soo kabashada Iyo u Adkaysiga Aafooyinka
    Puntland

    VIDEO: Khadar oo furay Shirka Fulinta Qorshaha Dib-u-soo kabashada Iyo u Adkaysiga Aafooyinka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 17, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka Dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka.

    Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa k qayb galay beesha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socday wadamada saaxiibada la ah dowladda ee ka taageera mashaariicda horumarineed iyo bini’aadninimo.

    mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in abaaaraha soo noq noqday iyo fatahaadaha ka dhasha roobabku ay dhibaata badan ku hayaan dhaqaalaha bulshada ayna abuuraan barakayaal cusub, sidaa darteed loo baahanyahay in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo qorshahaan maanta la daah rogay.

    Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka waxa uu intaa ku daray in muhiim ay tahay in si wadajir ah looga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha si wanaagsanna loo maamulo biyaha roobabka si ay uga wada faa’iidaan Xoola dhaqatada iyo bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka.

    Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qayb galayaasha shirka ku dhiirri geliyay in ay fikradahooda isku biiriyaan oo ay soo saaraan xal mira dhal u noqon kara maareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo abaaraha iyo fatahaadaha.

    Qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga aafooyinka dalka oo ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, ayaa saldhig u noqnaya hanaanka lagu maareynayo dhibaatoooyinka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.