Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Khadar oo furay Shirka Fulinta Qorshaha Dib-u-soo kabashada Iyo u Adkaysiga Aafooyinka
    Puntland

    VIDEO: Khadar oo furay Shirka Fulinta Qorshaha Dib-u-soo kabashada Iyo u Adkaysiga Aafooyinka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 17, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka Dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka.

    Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa k qayb galay beesha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socday wadamada saaxiibada la ah dowladda ee ka taageera mashaariicda horumarineed iyo bini’aadninimo.

    mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in abaaaraha soo noq noqday iyo fatahaadaha ka dhasha roobabku ay dhibaata badan ku hayaan dhaqaalaha bulshada ayna abuuraan barakayaal cusub, sidaa darteed loo baahanyahay in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo qorshahaan maanta la daah rogay.

    Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka waxa uu intaa ku daray in muhiim ay tahay in si wadajir ah looga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha si wanaagsanna loo maamulo biyaha roobabka si ay uga wada faa’iidaan Xoola dhaqatada iyo bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka.

    Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qayb galayaasha shirka ku dhiirri geliyay in ay fikradahooda isku biiriyaan oo ay soo saaraan xal mira dhal u noqon kara maareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo abaaraha iyo fatahaadaha.

    Qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga aafooyinka dalka oo ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, ayaa saldhig u noqnaya hanaanka lagu maareynayo dhibaatoooyinka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.