Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee Shirweynaha Abaal-marinta CONCORDIA
    Puntland

    VIDEO: Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee Shirweynaha Abaal-marinta CONCORDIA

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 24, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxameed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Abaal marinta CONCORDIA kaas oo uu kaga hadlay Arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya.

    Halkaan ka akhriso khudbadda madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay shirka ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

    Waxa sharaf ii ah inaan galabta idin la joogo shirweynaha sannadlaha ah ee Concordia. Waxaa sidoo kale sharaf ii ah inaan guddoomo Abaalmarinta Hoggaamineed ee Concordia, sannadkan 2019.

    Waxaan si gaar ah Hoggaanka Concordia uga mahadcelinayaa inay aqoonsadeen dadaalka joogtada ah ee ay madaxda Geeska Afrika ugu jiraan sidii gobolka nabad loogu soo dabbaali lahaa.

    Khilaafka iyo dagaalku waxay siyaabo kala duwan u siyaadiyeen saboolnimada ka jirta gobolka, sida inay dhaawac weyn u geysteen kaabayaasha dhaqaale; hay’adaha iyo waxsoosaarka; burburinta hantida; qoqobka iyo kala daadashada mujtamaca iyo shabakadaha bulsho; barakac qasab ah iyo shaqo la’aan iyo sicirbarar joogto ah. Waxa intaasi dheer, khayraadka oo yar oo ay weheliso koror dadweyne oo xawli ah, saboolnimada iyo horumar la’aanta ayaa sidoo kale ah qodobbo qayb ka qaata xasillooni la’aanta gobolka.

    Nabaddu waxay lagama maarmaan u tahay in la helo koboc waara, waxaana sidoo kale ka tarjumaysaa heshiis ama wada noolaansho bulsho, deganaan iyo barwaaqo.

    Waxa sharaf ii ah inaan idin la wadaago in Geeska Afrika ay hadda ka jirto saansaan rajo iyo nabdeed kaddib sannado badan oo nabadgelyo la’aan ah. Si kastaba, in nabadda la joogteeyo waxay u baahan tahay kalsooni dhis, isu-tanaasul, wadajir, faham iyo in ay taasi ka go’an tahay dhammaan dhinacyada qaybta ka ah khilaafka.

    Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay saddexdeenna waddan waxa uu xoogga saarayay isdhexgalka dhaqaale, waxaana mahad iska leh Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki.

    Intaas marka laga yimaaddo, waxa weli jira caqabado u baahan in lagaga gudbo taageero dhanka dhaqaalaha ah iyo mid siyaasadda ah.

    Ugu dambayntii, waxaan jeclahay inaan Concordia ku bogaadiyo inay isu keentay dhammaan bulshooyinka caalamka, waxaana uga mahadcelinayaa abaalmarintan hoggaamineed ee ay igu sharfeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.