Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Laftagareen ayaa tababar u soo xiray Ciidammo kamid noqonaya Ciidanka gaarka ah ee Koonfur Galbeed, kuwaas tababar ay siiyeen Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo.
Ciidanka ayaa qeyb ka noqon doona howlgalada lagu xoojinayo Amniga deegaanka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Laftagareen ayaana kula dardaarmay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.














Idilnews