Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha AMISOM oo go’aan wada qaatay
    Puntland

    VIDEO: Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha AMISOM oo go’aan wada qaatay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 5, 2019Updated:August 5, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo goordhow Saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay shir ay yeesheen Madaxweynaha Jubbaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha fulinta iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma oo maanta soo gaadhay Magaalada Kismaayo.

    Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in kulanka labada dhinac lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa amaanka isla markana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo Cusub oo deegaanada Jubbaland laga samayn doono waxaa uu Intaas ku daray Madaxweyne ku xigeenku in la isku raacay in si wadajir ah looga hortago wararka been abuurka ah ee lagu kicinayo Bulshada kuwaas oo la xiriira Arimaha Doorashooyinka Jubbaland.

    https://www.youtube.com/watch?v=R_nyed9aRw8&feature=youtu.be

    Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in AMISOM ay sheegtay inayna wax faragalin ah ku yeelanaynin arimaha Doorashooyinka Jubbaland loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago iyadoo mara ayna shiki galin doonin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM.

    Waxaa kale oo la isku raacay in ay si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashooyinka Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.