Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweynaha Jubbaland oo shaaca qaaday Tirada dadkii ku dhintay Weerarkii Kismaayo (Shar jaraa’id)
    Puntland

    VIDEO: Madaxweynaha Jubbaland oo shaaca qaaday Tirada dadkii ku dhintay Weerarkii Kismaayo (Shar jaraa’id)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 13, 2019Updated:July 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii iyo weerarkii Argagixisadu ku qaaday Hotelka Madiina isagoona ka warbixiyay sida ay wax u dheceen.

    Madaxweynahu wuxuu sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka

    Kenyan 3 qof.
    Canadian 1 qof.
    British 1 qof.
    American 2 qof.
    Tanzanian 3 qof.

    Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay kuwaas oo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

    Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada uu ka baxay Xildhibaan hore hadana ahaa musharax u tartamayay xilka madaxtinimo ee Jubbaland Xildhibaan shuuriye iyo Alle ha u Naxariistee wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac fariid iyo marwadiisa hodan naleeye isagoo ilahay uga baryay dhamaan dadka dhintay in uu janadii fardowso ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna wuxuu u rajeeyay caafimaad taam ah.

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in raga weerarka soo qaaday ay ahayeen afar qof kuwaas oo mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen halka labada kale toogasho lagu dilay.

    Madaxweynaha ayaa shacabka reer kismaayo uga digey inay ka feejignaadaan goobaha falalkan oo kale ay ka dhacaan oo ay ka dheeraadaan si ayna khasaaraha usii badinin.

    Waxaa Madaxweynahu uu amaanay dadaalkii ay muujiyeen Ciidamada amaanka oo dad farabadan kasoo badbaadiyay hotelka sidoo kalana wakhti kooban kusoo afjaray kooxda weerarka soo qaaday waxaa uu intaas ku daray in amaanka gacan bir ah lagu qaban doono isagoo faray Hay”adaha amaanka in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan sida ay wax u dheceen dibna shacabka ay ula wadaagi doonan.

    Dhamaan umada Soomaaliyeed iyo Bulshada caalamka ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay ka qayb qaatan gurmadka ay Dowlad Goboleedka Jubbaland u fidinayso dadka ay waxyeeladu gaadhay isagoo u mahad celiyay Dowladaha iyo dhamaan dhinacyadii la qaybsaday ree Jubbaland tiiraanyada.

    Madaxweynahu wuxuu xusay in Warbixin dheerad ah oo la xiriirta sida ay wax u dheceen dhawaan ay Jubbaland soo saarayso kadib marka Hay”adaha amaanku ay dhameeyaan baaritaanada ay wadaan taas oo la xidhiidha waxyaabaha xiligan kusoo beegay falkan maadama Kismaayo ay nabadgalyo buuxda ka jirtay,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/nJ1TQVGZ0LE

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.