Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo digniin u diray dadka kasoo hor-jeeda Xukuumadiisa
    Puntland

    VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo digniin u diray dadka kasoo hor-jeeda Xukuumadiisa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 15, 2019Updated:July 15, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa digniin adag u diray Dad uu sheegay inay wadaan qorshayaal la doonayo in la isaga hor-keeno Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda.

    Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay degaanada Dowladda Puntland kusoo badanayaal kooxo qas-wadayaal ah, kuwaas oo u adeegay danno laga keenay banaanka Puntland, oo la doonayo in lagu hor istaago amniga iyo hormarka Puntland.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay in aysan aqbali doonin in la waxyeeleeyo amniga iyo hormarka ka socda Puntland, eek u yimid wada-shaqeynta Shacabka iyo Dowladda, ayna tilaabo adag ka qaadi doonaan.

    “Waxaan aad oga digayaa dadka doonaya iney Puntland hoggaankeeda wiiqaan, iney dadka dhalinyaradeeda ku kiciyaan waxaan munaasib aheyn, maaha in dadka waxaan jirin loo akhriyo, laakiin waa inuu qeexanyahay hayaankaan aan u soconno, cid kastana ogtahay” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni

    https://www.youtube.com/watch?v=i10CYBlUXBs&feature=youtu.be
    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni

    Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland ay tahay hormuudka Soomaaliya ee lagu daydo aysana macquul aheyn in cidi hor istaagto Nabadda iyo Hormarka ay dadkeedu kusoo dhaqmayeen in ka badan 20 sanno oo ay jirtay Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabad maanta lagu daah-furayay duulimaadyadda Shirkadda Ethopian Airline ee Degaanada Puntland.

    Hadalka Madaxweyne Deni ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay Puntland ay kusoo badanayeen dad kasoo hor-jeeda Xukuumadda Puntland, kuwaas oo xariiro iyo wada-hadalo la leh Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Xamar.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.