Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP.
    Puntland

    VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 6, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka socda Hay’adda WFP oo uu hogaaminayey Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo.

    Kulanka Madaxweynaha iyo saraakiishaasi waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Af-hayeenka Madaxtooyada iyo la-taliyayaal.

    Muhiimadda kulanka ayaa ahayd is xogwaraysi guud, wadashaqaynta Dowladda iyo Hay’adda WFP, Arrimaha bini’aadamtinimada iyo isbarasho maadaama Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo shaqada ku cusub yahay.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horayn qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey saraakiisha Hay’adda WFP, waxaana uu si gaar ah ugu soo dhoweeyey Soomaaliya, gaar ahaan Puntland Mr. Cesar Arroyo oo dhowaan la soo magacaabay.

    Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa ku amaanay WFP shaqada balaadhan ee ay ka hayaan dalka, waxaana uu ku booriyey inay halkaasi kasii ambaqadaan oo sii laba jibaaraan shaqooyinka lixaad ka leh ee ay ka hayaan Puntland iyo guud ahaan dalka oo dhan.

    Madaxa Hay’adda WFP Mr. Cesar Arroyo ayaa dhankiisa ka mahadnaqay qaabilaadda Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinaayeyba kulanka, waxa uu balanqaaday inuu si daacad ah u gudandooni maajibaadkiisa shaqo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.