Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray Wershedda Tuubooyinka iyo Siligga (Sawirro)
    Puntland

    VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray Wershedda Tuubooyinka iyo Siligga (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 30, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray wershed cusub oo soo saari doonta tuubooyinka iyo siligga, taas oo markii ugu horaysey laga hirgaliyey deegaanada Puntland.

    Madaxweyne Deni oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa bogaadiyey ganacsatada maalgashiga ku samaynaysa dalka, gaar ahaan masuuliyiinta iska-kaashaday shirkaddan soo kordhisay samaynta tuubooyinka iyo siligga oo dalka siweyn looga isticmaalo.

    “Marka u horaysa waxaan aad ugu mahadcelinayaa dadkii maalgalinta ku sameeyey wersheddan maanta halkaan lagu daahfuray oo aan rajaynaayo in ay wax badan qayb ka noqondoonto horumarka dalka ka socda”.

    “Waxaa bisha August la daahfuri doonaa qorshaha shanta Sano ee soo socota waxaana rajaynayaa in qeybaha kala duwan ee ganacsatadu in ay ku yeeshaan talo badan “xagge dalku u socon karaa dhinaciisa hormarku”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland

    Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhowaan la qabandoono shirka maalgashiga Puntland, kaasi oo ay kasoo qayb gelidoonaan maalgashadaal ajanebi ah iyo kuwo Soomaaliyeedba, waxaa uu sidoo kale xusay Madaxweynuhu in hadda lagu hawlan yahay samaynta xeerka Maalgashiga oo kala saaraya xuquuqda maalgashadayaasha muwaadiniinta ah iyo kuwa ajaanibta ah.

    Munaasabad kooban oo ka dhacay xaruunta shirkadda SOBIC ayaa dhammaan dadkii kasoo qeyb galay bogaadiyeen shirkadaan cusub ee qaybta ka ah horumarka koboca dhaqaalaha Puntland. Waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku weheliyey Daahfuray xaruntaasi Wasiiro, masuuliyiinta shirkadda iyo xirfadlayaal reer Puntland.

    https://www.youtube.com/watch?v=CSTna8km8G8&t=18s
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.