Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweyne Deni “Nolosha Soomaalidu waxay u badan tahay fadhi iyo socod”
    Puntland

    VIDEO: Madaxweyne Deni “Nolosha Soomaalidu waxay u badan tahay fadhi iyo socod”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 30, 2019Updated:June 30, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeyb galay maalinta caalamiga ah ee Yoogada oo ah jimicsi fudud inta badana maanta laga xusayo dunida.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland oo uu weheliyo safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya Ambassador Rahul Chabbra ayaa kala qeyb galay munaasibadda maalinta caalamiga ah ee Yoogada dhallinyaro ciyaaraysa jimicsiga fudud ee ciyaartaasi, waxaa lagu qabtay garoonka cagaaran ee Chief oo ku yaalla xaafadda Kowda Ogos ee caasimadda Garoowe.

    Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhoweeyey in la taageera jimicsiga ka qayb qaadanaya caafimaadka dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada.

    https://www.youtube.com/watch?v=ToF3F9IJQto&feature=youtu.be

    “Runtii Jimicsiga noocaan ah dalku aad buu ugu baahan yahay, nolosha Soomaalidu waxay u badan tahay fadhi iyo socod, dhaqamada Caafimaadka ku saabsan in aan horumarino aad bay muhiim u tahay, hadda ka dibna idinka macalimiin noqon doona”.

    “Waan soo dhowaynayaa safiirka iyo wafdiga la socda iyo maalinta caalamiga ah ee Yoogada, tani waxay astaan u tahay wanaajinta xiriirka ay Hindiya la leedahay Soomaaliya, in dhaqanka wanaagsan ee caalamka la soo minguuriyo aad bay muhiim u tahay, wixii nolosheena faa’iidada u leh, dhaqamada xun xuna aan ka dheeraano”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.