Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweyne Deni oo daahfuray diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ee 2020-2024 (Sawirro)
    Puntland

    VIDEO: Madaxweyne Deni oo daahfuray diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ee 2020-2024 (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 7, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray bilawga Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad sanadaha 2020 -2024.

    Madaxweynaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyey Daahfurka Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ayaa Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah ku amaanay diyaarinta Qorshahani muhiim ka ah.

    “Puntland waxaa lagu amaani karaa mudadaa ay shaqayneysey horumarka ay ka gaartay inay nidaamkii dowladnimo dhisto, waxna ka qorshayso. Maanta waxaan halkan u joognaa daahfurkii 4-aad ee diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland, kani waa qorshaha horumarinta, qorshihii siyaasadeed ma ah, marka laga hadlaayo qorsha Horumarinta waxay inta badan xooggasaaraan horumarinta bulshada, horumarintaasi waxay ku tiirsan tahay inteeda badan deeqaha ay Puntland ka hesho hay’addaha. Qorshahan sida wasaaraddu cadaysay siyaasadda dowladdana ka mid ah, waxaan rabnaa inaan kuwii hore wax ka bedelno oo ku darno qaybta suurta gal ka ah ee dalka ka imaanaysa, kuwaas oo laba qaybood ah tan dowladda iyo tan bulshada rayid ka”.

    “Waxaan u socono ugu dambayn waa inaan dadkeena adeegga ay u baahan yihiin siino, si adeegga ay u baahan yihiin dowladdu u siiso, waxay u baahan tahay dakhli ay qorshaysato oo ay markaas umadda u celiso, dakhliga dowladdu waxa uu ka yimaaddaa waa cashuuraha, haddii dhaqaalaha iyo dakhliga dalku aanu horumarsanayn laftirkeeda meel ay dowladdu cashuur ka helayso majirto. Ahmiyadda koowaad dowladdu waxay siinaysaa in dadka cashuurta laga helo ay kobciso fursadaha ay iyagu ku helilahaayeen dakhli inta aanay cashuur bixin ayaan suurta gelinaynaa, ka hor waxaan xoogga saaraynaa sidii loo horumarinlahaa Ganacsiga iyo Maalgashiga”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    https://youtu.be/Otqm-N1N8TI

    Sidoo kale Madaxweyne Deni oo ka hadlaya habka dayn cafinta Soomaaliya loo marayo ayaa tilmaamay in laga hormariyo dayn cafinta qorshaha daynta lagu soo qaadanayo mar labaad si aanay sidii hore Soomaaliya ugu suntanaan, waxaana uu tilmamaay Madaxweynuhu in qorshe dhaba lagagaaro khayraadka magaca Soomaaliyeed lagu helo.

    “Haddaan habka dayn cafinta laga hormarin habkuu dalku u ekaanayo karka dayntaas laga cafiyo ama dib loogu dhigo, kadibna dayn soo qaato sidee u qorshaysanayaa? Markaan ka hadlayno dowladda dhexe doodaha ugu weyn ee aan hay’addaha iyo beesha caalamka aan lagalnay waxaa kamid ah intaan danyta la cafin, intaan dalka loofurin albaabadiisa inuu soo qaato lacag marlabaad ku suntanaan doonta Soomaaliya, waa in laga heshiiyaa dhaqaalaha dalka soo gala oo aan ahayn midka si gaar ah loo siiyo, laakiin mid magaca Soomaaliyeed lagu soo qaatay oo ku noqonaaya daymihii hore ama deeq lasiiyey haddaan la ogeyn awoodaha lagu qaybinaayo, anagu ma oranayno qoondadaasaan rabnaa, balse waa inaan helnaa hab laga midaysan yahay maadaama dalku Federal yahay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta dowladda in la taageero dadka dakhliga laga-helo, lana abuuro fursad ay ku helikaraan dakhli si dowladda dakhli usoo galo.

    “Qodobada muhiim ka ah ee qorshaha lagu daraayo waxaa kamid ah sidii dadka wax soo saarka leh loo kobcin lahaa, sidii loo kobcin lahaa dadka wax soosaarka Baddaleh, kuwa Xoolaha leh iyo kuwa beeraha leh, hadaynaan dakhli abuurin waxaan qorshaynayno waa iska-mala-awaal, qodobkaas wuxuu yahay qodob muhiim ah oo u baahan in wakhti la geliyo, waxaa kaloo muhim ah in qorshaha la samaynaayo lagu daro misaaniyadda horumarineed ee inaga soo gala inta laga filayo qiyaas ahaan hay’addaha, waxaanna soo jeedinaayaa in marka misaaniyadda la samaynaayo hay’addaha halkan jooga laga codsado miisaaniyaddooda ku talagal ka ah ee sanadlaha ah inay soo gudbiyaan, si gaar ah intay Puntland gelinayaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.