Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Madaxweyne Farmaajo “Dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab waa mid u yaalla dhammaan dalalka Gobolka”
    Puntland

    VIDEO: Madaxweyne Farmaajo “Dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab waa mid u yaalla dhammaan dalalka Gobolka”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 22, 2019Updated:July 22, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka.

    Madaxweynaha oo wafdigan uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha ay doonayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay arrintaasi u leedahay amniga Gobolka.

    “Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.”

    https://www.youtube.com/watch?v=LmyzWH5sHi8&feature=youtu.be

    Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka.

    Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika, haatanna ah Madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Mudane Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalkeenna iyo maqaamkii aynu ku lahayn Qaaradda Afrika iyo caalamka, isaga oo ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika.

    “Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.”

    Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.