Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas”waxaan aamin sanahay hadii aynu midawno wanaagu waa soo degdegayaa, horumarkuna waa soo degdegayaa”
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas”waxaan aamin sanahay hadii aynu midawno wanaagu waa soo degdegayaa, horumarkuna waa soo degdegayaa”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 8, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta 08 July 2017 ka qayb galay furitaanka kal-fadhiga 2aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda  Fadaraalka Soomaaliya.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa sidoo kale kala qayb galay furitaanka kal-fadhigani, Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Madaxdda dawladdaha xunaha ka ah DFS, maasuuliyiin ka tirsan goloyaasha DFS, saraakiisha ciidanka qalabka sidda, masuuliyiin ka socdey beesha caalamka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo khudbad muhiima ka jeediyey furitaanka kal-fadhigaasi ayaa sheegay in maanta ay muuqato wanaag Soomaaliyeed oo tiro badan iyo mustaqbalka Soomaaliyeed oo maanta ah mid  wanaagsan, Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Soomaaliya dan u tahay in la-yagleelo geedi ku salaysan horumarka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

    ” Runtii waxaa noo muuqda anaga wanaag Soomaaliyeed oo tiro badan, waxaa noo muuqda mustaqbalka Soomaaliyeed inuu fiicanaan doono, dhib badan waa la soo maray laakiin runtii waxaanu qabnaa rajo weyn, in Soomaaliya waddadii saxda ahayd ay qaaday, is bedel dhabihina ka muuqdo una socoto dhankii wanaagsanaa runtii, markaad eegto meesha aan ka nimi waxay maanta Soomaaliya haysaa wadadii saxda ahayd” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xusay in lahelayo hadii ummaada Soomaaliyeed mudawdo wanaag degdega, horumar degdega iyo isbedel wanaagsan oo degdega, hadiise aan la helin waddajir Soomaaliyeed in intaasiba dib u dhacayaan oo aanay hirgalayn.

    ” waxaan aamin sanahay hadii aynu midawno wanaagu waa soo degdegayaa, horumarku waa soo degdegayaa , is bedelkuna waa soo degdegayaa, hadii aanaan mudobin oo dhibta jirta aanaan u midoobina dabcan xalku iyo wanaaga aan rajaynaynaa waa ay sii dheeraanayaan, 27 sano oo shido ah iyo shaqaaqo ah ha kala duwanaatee ayaan soomarnay , dabcan bulshada marka dhibaatadu ku raagto colaadu ku raagto waxa ay noqotaa bulsho xun, taasina waxaa ka dhalanaya wax badan oo aadan ku tala gelin inay yimaadaan, waxaana taasi kaga bixi karnaa Soomaali oo midaysan, ”hadii cadawgaagu bato cududaadaa waa lamideyaa ”. ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlaya kooxda nabad diid ka ah ee Al-shabaab ayaa sheegay in yihiin dabayl dhaafaysa shacabka Soomaaliyeed mustaqbalka dhawna lays waydiin doona Al-shabaab waxay ahaan jireen.

    Guddomiyaha golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhankiisa ka jeediyey kal-fadhigani khudbad ku salaysan wixii u qabsoomay baarlaanka labadii kalfadhi intii u dhexaysey, waxaana uu xaqiijiyey in golaha shacabka Soomaaliyeed diyaar u yihiin la xisaabtanka xukuumadda DFS iyo horumarinta shuruucda dalka.

    Dhinaca kale, Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya  Mudane. Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaaj oo si rasmi ah u furay kal-fadhiga 2aad  ee golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa khudbadiisa dastuuriga ah kaga hadlay horumarka ay ku talaabsatay xukuumadiisu mudadii u dhexeysey labada kal-fadhi ee sadadka 2017-ka waa 1aad iyo kan 2aad

    Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in laga midaysan yahay dhammaan Maamuladda Soomaaliya iyo DFS-ba dib usoo celinta sharaftii iyo karaamadii dawlad-nimo Soomaaliyeed, taasina ay tahay maanta tan isu keentay hogaamiyayaasha  ummaada Soomaaliyeed.

    ==DHAMMAAD==                                                                                                            

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/Sew8YpXGuhc

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 15, 2025

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    June 15, 2025

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    June 15, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Nuxurka Khudbada Mw Deni ee furitaanka Kalfadhiga 56-Aad?

    Maxay kawada hadleen Puntland iyo Beesha Caalamka?

    Quwadaha caalamiga ah oo dhiirigelin usameeyay Ciidamada Difaaca Puntland

    Sarkaal muhiim ah oo laga qabtay kooxda Argagixisada Daacish

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.