Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo sagootiyay Safiirka Sweden
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo sagootiyay Safiirka Sweden

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 19, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa munaasabad saagootin ah loogu qabtay Safiirkii dalka Sweden Mr. Mikael Lindvall oo muddo gaaraysa 5 sano ka shaqaynaayey dalka.

     Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiisha Madaxtooyada ayaa Safiirka qado sharaf kula qaatay Aqalka Madaxtooyada.

    “Dawladda Soomaaliya waxay uga mahad-celinaysaa Safiir Mikael Lidvall kaalinta mugga lahayd ee uu ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal intii uu hayey xilka Safiirnimo. Sidoo kale, dadaaladii ay ku bixisay Safaaraddu hawlaha gargaarka iyo arrimaha bulashada.” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar.

    Safiirka Dalka Sweden Mr. Mikael Lindvall ayaa sheegay sida uu ugu faraxsanyahay wada shaqayntii iyo garab istaaggii uu ka helay Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed muddadii uu ka shaqaynaayey Safaaradda Dalkiisa, sidoo kale waxa uu ka warbixiyey qaar ka mid ah Mashaariicda dhawaan ay fulin doonto Safaraaddu. “Waxaan la bilaabaynaa Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka ah mashruuc cusub oo lagu tayeynaayo Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka kaasoo Dowladda Sweden ay ku maalgalindoonto lacag gaaraysa 8.5 Malyan oo Doolar”.

    Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa guddoonsiiyey Safiir Mikael Lidvall walxo ka mid ah Agabka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/uCe54BS769Q

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.