Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Masuuliyiin katirsan DF Soomaaliya oo loo xir xiray Musuq-maasuq
    Puntland

    VIDEO: Masuuliyiin katirsan DF Soomaaliya oo loo xir xiray Musuq-maasuq

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 4, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda & Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska qeybta Canshuuraha oo dhawaan loo xiray falal la xiriira musuq maasuq ay ku kaceen.

    Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha Bariga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise,  ayaa sheegay in hoggaanka baarista dambiyada ee CID-da uu helay xog kusaabsan wax isdaba marin kajirtay kastamka Canshuuraha Garoonka Aadan-Cadde,isla markaana xabsiga la dhigay qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo Saraakiisha kastamka.

    Sidoo kale, Taliye Bariise ayaa xusay in kiiskaasi baaristiisa ay ka socoto Xarunta CID-da Natiijada kasoo baxdana loo gudbin doono Maxkamada awoodda u leh qaadista kiiskaasi lagu eedeeyay Mas’uuliyiinta & Sarakiisha Kastamka Canshuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

    Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin in Canshuurta ay shacabka masaakiinta iyo ganacsatada kala duwan bixiyaan in shaqsi si gaar ah uu u isticmaalo .

    Ugu dambeyn, Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha Bariga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in Shacabka Canshuuraha ay bixinayaan ay ugu tala galeen in ay ku kabaan dowladda si dalka uu u hormaro balse aanan la aqbali karin in shaqsiyaadiki lagu aaminay ay ku tagri falaan lacagahaasi Canshuuraha ah oo ay bixiyeen Shacabka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.