Guddoomiyaha Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur oo goor-dhaweyd Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa ka hadlay Ciidamo ka socda Puntland oo gaaray Gaalkacyo.
Guddoomiye Axmed Muuse Nuur ayaa beeniyay warar saacadihii ugu dambeeyay soo baxayay kuwaas oo sheegayay in la xirayo xubno kamid ah Guddiga Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale.