Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Deni iyo Ururada Bulshada rayidka ah ?
    Puntland

    VIDEO: Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Deni iyo Ururada Bulshada rayidka ah ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 27, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Guddiga qabanqaabada Shirka Maalgashiga.

    Kulanka Madaxweynuhu la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa ahaa is xogwareysi guud, Ururada Bulshadu waxay uga mahadceliyeen Madaxweynaha qaabilaadda, iyagoo soodhoweeyey magacaabidda Golaha Sare ee La-talinta Madaxweynaha iyo tallaaboyinka kale ee Dowladdu qaaday sida arrimaha Ciidamada, la dagaalanka Musuq maasuqa iyo qorsheyaasha maalgashi.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhegaystay tallooyin ay soojeediyeen Ururada Bulshadu, wuxuuna bogaadiyey shaqada ay bulshada u hayaan Metelayaasha Ururada Bulshadu.

    Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Guddiga diyaarinaya Shirka Maalgashiga Puntland oo loo muddeeyay (15-17ka, September, 2019.

    Madaxweyne Deni ayaa Guddiga ka dhegaystay warbixin ku saabsan Shaqada u qabsoontay iyo sida ay u socoto diyaarinta Shirka Maalgashiga Puntland.

    Shirka Maalgashiga Puntland oo uu dhowaan si rasmi ah u shaaciyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waa shir lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/460938861126929/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.