Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo 9 Nin xukun ku riday
    Somalia

    VIDEO: Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo 9 Nin xukun ku riday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 3, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida  ee soomaaliya qeybta 27aad ayaa  xukuno kala duwan Maanta  ku riday askar ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka howlgalla  gobalka Gedo.

    Askartan oo tiradoodu dhan tahay 9 Askari ayaa waxaa lagu eedeeyay dilka dable Bishaar Cumar Yuusuf oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska degmada Doolow, kaas oo dhacay 22/11/2020.

    Eedeysanaha koobaad dable Axmed Maxamed  Dhaqane ayaa Xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda uu kusoo eedeeyay dilka Dable Bashiir Cumar Yuusuf, halka eedeysanaha labaad oo lagu Magacaabo Cabdi Shiilow Maxamed lagu eedeeyay gadood & khalqal gelin amni.

    Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa sheegay in dable Boolis Axmed Maxamed Dhaqane lagu xukumay dil toogasho oo ah qisaastii dable Bishaar  Cumar Yuusuf, Dable Boolis Cabdi Shiilow Muxamed 6 sano oo Xabsi Ciidan ah, dambiile Dable Boolis Axmed Maxamed Mukhtar lagu xukumay Afar Sano oo Xabsi ciidan ah.

    Sidoo kale Maxkamadda ayaa ku kala xukuntay Dable Boolis Maxamed Axmed Cabdullaahi Isaaq Buufaay laba Sano oo Xabsi Ciidan ah, Dambiile Faarax Geelle tareey C/Kariim laba Sano oo Xabsi Ciidan ah, Dambiile  Isaaq Jaamac Xuseen Maxamed laba Sano oo Xabsi Ciidan ah, Dambiile  C/rashiid Aadan Ibraahim Shuuriye laba Sano oo Xabsi Ciidan ah, Dambiile  Moogow Nuurow Aadan xuseen  laba Sano oo Xabsi Ciidan ah, Dambiile Xasan Cali Ibrahim Shariif laba sano oo Xabsi ciidan ah.

    Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa sheegay ciddii ana ku qanacsaneyn xukunka Maxkamadda ay u furan tahay racfaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.