Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Maxkamadda CQS oo xukun dil ah ku riday Askari dilay Saddex walaalo ah
    Puntland

    VIDEO: Maxkamadda CQS oo xukun dil ah ku riday Askari dilay Saddex walaalo ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 7, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan Ciidamada dowladda, kaasoo 17-kii bishii June 2018 ku dilay degmada Kaaraan saddex qof oo walaalo ah

    Askarigan oo lagu magacaabo Xaashi Cali Maxamuud ayaa muddo sanad ahaa baxsad, waxaana la soo xiray bishii 7-da June ee sanadkan 2019, waxaa loo heystaa inuu dilay saddex walaalo ah oo lagu kala magacaabi jiray Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo C/llaahi Axmed abuukar.

    Dilka loo heysto Askarigan ayaa ka dhacay degmada Kaaraan bishii June 2018, waxaana la sheegay in sababta uu saddexdan walaalo u dilay ay ka dambeysay is qabqabsi dhinaca dhulka ah oo ka dhaxeeyay.

    Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha uu nolosha dhaafiyay, isagoo miir qaba saddex walaalo ah oo aan midkoodna hubeysneyn, sidoo kale eedeysanaha uu ka baxay Afisyooni, ugana tagay marxuumiinta uu dilay duleedka degmada Kaaraan, halkaasoo uu ku dilay saddexda qof ee walaalaha ah.

    Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukumo Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Go’aanka Maxkamadda ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.