Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Maxkamadda Racfaanka oo dib u dhigtay Go,aanka Kiiska Caa’isho
    Puntland

    VIDEO: Maxkamadda Racfaanka oo dib u dhigtay Go,aanka Kiiska Caa’isho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal, ayaa maanta oo arbaco ah mar kale dib u dhigtay Dhageysiga dacwada la xariirta kiiskii Afduubka, kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan.

    Maxkamadda Racfaanka ayaa markii ugu horeysay sabtidii dhageysatay Dacwada Kiiska Caa’isho, oo Saddexda eedeysane ee loo heysto ay Maxkamadda Gobalka Nugaal 12-kii bishii May, 2019 ay ku riday xukun dil ah, kaddib markii xeer ilaalintu ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen.

    Saddex Rag ah ee loo heysto kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas Aadan, ayaa lagu kala magacaabo Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo 34 jira ah, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame 24 jir ah iyo Cabdishakuur Maxamed Dige Shiine oo 43 sano jir ah.

    https://www.youtube.com/watch?v=pXnc4JGTikU

    Maxkamadda Racfaanka ee Gobalka Nugaal ayaa kiiskan dib ugu dhigtay maalinta sabtida ah ee soo socota, xilligaas oo ay Maxkamadda racfaanku ah ay ku dhawaaqi doonta go’aankeeda.

    Go,aanka Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa ah mid si weyn ay uga dhur-sugayaan Shacabka Reer Puntland, kuwaas oo ka carooday falkii foosha xumaa ee loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo aheyd 12 sanno ku nooleyd Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.