Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Qaar kamid ah Wasaaradaha Puntland oo laga joojiyay Adeegii
    Puntland

    VIDEO: Qaar kamid ah Wasaaradaha Puntland oo laga joojiyay Adeegii

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Abgaal oo maanta kulan la qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradaha Dawladda Puntland, ayaa dhaliil u jeediyay Qaar kamid ah Wasaaradaha Dowladda.

    Wasiir Xasan Shire Abgaal ayaa Sheegay in qaar kamid ah Wasaaradaha Dowladda aysan bixin Canshuurtii ku waajibtay, ayna qaarkood dacweeyeen, kuwo kalena ay hada gudbinayaan.

    “Shirka waxaan ku soo bandhignay liiska Wasaaraddaha aan bixin iyo kuwa bixiyay Canshuurta, waxaanu halkaas ka sheegnay in aanu dacwayn doono Wasaaraddo aan bixin Mashaariicda dhexmaray Cashuurtoodii kuwa bixiyay waanu amaanaynaa ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland”

    Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in ay jiraan hay’addo katirsan Dowladda Puntland oo ay adeega ka joojiyeen

    “Haa way jiraan hay’addo bixin waayay Cashuurta Mashaariicda dhex marta dacwadna waan ka gudbinay adeegiina waan ka joojinay”

    https://www.youtube.com/watch?v=TqzWyCaqoQ0&feature=youtu.be

    Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaan xusin Magacyada iyo Tirada Wasaaradaha ay ka joojiyeen Adeegii ay ku lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda, waxaana hadalkiisu uu kusoo aadayaa xilli Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni uu horey u jaray Gunooyinkii ay qaadan jireen Shaqaalaha Wasaaradaha, Sidoo kalena uu dhimay Miisaaniyadda Qaar kamid ah Wasaaradaha Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.