Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Ra’iisulwasaare Kheyre “Ciidanka DF waa inay ka howlgalaan Dhuusa-mareeb”
    Puntland

    VIDEO: Ra’iisulwasaare Kheyre “Ciidanka DF waa inay ka howlgalaan Dhuusa-mareeb”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 1, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay munaasabadda xuska 59-aad ee maalinta xorriyadda goballada Koonfureed iyo midnimada Waqooyi iyo Koonfur ayaa shaaciyay in gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug ay taallo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda ka sheegay in magaaladu ay soo buuxisay shuruuddii ku xirnaya in magaaladu marti geliso gogoshaan muhiimka ah.

    Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay madaxa fulinta Galmudug aqbalaadiisa ku aaddan in ciidamada amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay ka howl galaan magaalada Dhuusamareeb si ay awood ugu yeelato marti gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta.

    https://www.youtube.com/watch?v=CHImUlbDCYs&feature=youtu.be

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galaan magaalada Dhuusamareeb si gogosha laga fidiyay ay ugu qabsoonto sida ugu habboon, looguna guulaysto dhismaha Galmudug loo dhanyahay sal adag oo u adeegta dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa deegaannada Galmudug mudda toddobaad ah ku joogay safar shaqo oo uu ku doonayay in uu ku caawiyo reer Galmudug dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag, kana shaqeeya danaha bulshada Galmudug iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.