Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Wasiir Beyle oo beeniyay Warbixintii uu baahiyay Hanti-dhowrka
    Puntland

    VIDEO: Wasiir Beyle oo beeniyay Warbixintii uu baahiyay Hanti-dhowrka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 10, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa si weyn uga soo horjeestay Warbixintii uu baahiyay Hanti dhowraha Qaranka ee ay ku jirtay in lacagaha qaar aysan kusoo dhicin Qasnada dowladda.

    Warbixinta Hanti dhowrka ayaa waxaa ka mid ahaa”Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 db ayayna u isticmaashay. Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay”

    https://www.facebook.com/Kalsantv/videos/506796583436874/

    Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle waxaa uu sheegay in dhammaan Saddexdaan Hay’addood lacagihii ay qabteen ay kusoo dhaceen Wasaaradda Maaliyadda,islamarkaana aysan jirin lacago ay dib u isticmaaleen.Warbixinta ayaa deeqaha Caalamiga ah oo ay hesho dowladda Federaalka ah isla markaana ay ugu deeqeen Midowga Yurub, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo UNOPS ay wadarta Deeq bixintooda aheyd $38,259,559 doolar, warbixintu waxaa ay sheegtay in deeqdaas caalamiga ah ay qasnadda dhexe ee Dowladda Federaalka gaartay $19,872,827 doolar.Warbixinta xafiiska Hanti-dhowrka waxaa ay sheegtay in lacagta deeq bixiyaashu ay ka maqan tahay $18,386,732 doolar oo aan laheyn meel loo raaco.Wasiirka Maaliyadda ayaa si cad u sheegay in deeqaha Caalamka ee loogu deeqay Soomaliya ay kusoo dhaceen Qasnada dowladda,islamarkaana Hanti dhowrka uusan la tashi la sameyn Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.